Xabbaalo Dawladda Hoose Ee Hargeysa Bur-Burisay Iyo Dad Ka Gadooday+SAWIRRO

0
39

Ehellada Maytida Ku Aasan Qubuuraha Iyo Saraakiisha Dawladda Hoose Oo Aragtiyo Is-Burinaya Ka Bixiyey Sababta Loo Baabi’iyey

Hargeysa(Hubaal)-Ciidanka Dad-damiska Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa, Cagaf marisay Dhul-xabaalleed dhinaca Bari kaga qabsan xarunta Hay’adda Shaqaallaha Dawladda, halkaasoo dhowr iyo toban sanno ka hor lagu aasay Mayti  tiraddoodu kor u dhaafayso Boqol iyo Konton.

xabaall1Saraakiisha Dawladda hoose ee howl-galkan hogaaminayey, ayaa ku sababeeey banaynta Qubuurahan talaabo lagu dayac-tir ah, isla markaana lagu balaadhinayo Biyo-mareen halkaa mara oo halis badan ku hayay Dhismeyaasha hareeraha ka xiga oo uu Xafiiska Hay’adda Shaqaallaha dawladdu ku jiro. Waxaanay sidoo kale ku dooddeen in lagu nadiifinayo Kaamboolka Guriga Shaqaalaha iyo Xabaallaha u dhexeeya oo ay xidheen Dhir iyo Qashin is-biirsaday oo xidhay goobtaas ilaa halka ay biyo-mareenku kaga dhaco Dooxa weyn.xabaall1

Agaasimaha Waaxda Dab-damiska Dawladda hoose Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo Wariyeyaasha Wargeyska Yool kula kulmeen goob aan ka fogayn Qubuuraha la bur-buriyey, ayaa sidoo kale beeniyey inay Dhulka Qubbuuraha ka samaynayaan Waddo Gaadiidka Dab-damisku maro, sida ay dadweynaha halkaa ku sugnaa ku cawdeen.

xabaalio“Maya wax waddo ah oo aanu ka samaynaa ma jirto, ee waxaannu doonaynaa inaanu Xabaalaha ku xidhno dayr, dabadeedna aanu baynayno Diriineyjkan oo isna xashiish xidhay, waayo waad ogtahay halkan waxa loo dhisay Ciidanka Dab-damiska”ayuu yidhi.

Waxa uu intaas raaciyey “meeshan xabbaaluhu yihiina waxa xidhay qashin iyo Dhir oo iminka 280 Lowdhbaanu ka qaadnay, markaa si meeshu u noqoto nadiif, Biyuhuna u helaan meel ay maraan, si aanay sidii dhici jirtay ugu noqon Hay’adda Shaqaalaha iyo guryaha kale ayaanu doonaynaa inaanu banayno dhulkoo dhan dabadeena xabaalahana dayr u samayno” ayuu yidhi.

xabaal2Geesta kale, inkasta oo uu Sarkaalka u hadlay Dawladda hoose meesha ka saaray jiritaanka Waddo gaadiid oo la marinayo halka ay ku yaallaan Xabbaalahaasi, hadana ehelada qaar kamida Maytida Dhulkaas ku aasan, ayaa Wargeyska Yool u sheegay in Dhulkan loo baynayo gaadiidka Dad-damiska, iyagoo intaas ku daray inay hore Maamulka Dawladda hoose oo ay kala hadleen ku war-geliyey qorshaha Waddada looga samaynayo halkaa. Waxa kale oo ay intaas ku dareen in Xadhig iyo cago-juglayn loo geystay dhowr jeer oo ay gadood kala hortageen howl-galka banaynta Xabbaalaha.

xabaal3“Kuwii aan xambaaray iyo kuwii ay dhaleen-baa ku aasan, maanta la doonayaa in anigoo nool aayar cagaf la mariyo, waxaan yeellayo maaha waanan ku dul dhimanayaa anna” sidaas waxa Yool u sheegtay Hooyo aad u da’weyn oo kamid ahayd Dadweynaha ku gadoodday howl-galka bur-burinta Xabaalaha. “Waaryaa waxau dayac-tirayaan ma jiree waxay doonayaan inay waddo ka dhigtaan”ayey raacisay hadalkeeda Hooyadan oo da’deeda aanu ku qiyaasnay Lixdan iyo dheeraad. Waxay sheegtay inuu ku aasanyahay Marxuum ay dhashay oo magaciisa la odhan jiray Axmed Aw-muxumed.

Cabdirashiid Yuusuf Cali oo sheegay in halkaasi uu ku aasanyahay Aabbihii Yuusuf Cali Maxamed, ayaa sidoo kale sheegay in handidaad loogu geystay go’aanka diidmada ah ee ay kala hortageen baabiinta Xaabalahan. Waxa uu intaas ku daray “toban jeer ayay isku dayeen inay Cagaf mariyaan oo aanu diidnay oo nala xidhay. Meeshana waxa ku aasan ilaa laba boqol oo qof oo Mujaahidiin iyo dad magac ku lahaa dalku ku jiraan. Waxa kamida aniga Aabbahay oo aan Iilka dhigay anigu  1994-kii ayaa lagu aasay” ayuu yidhi.

“Taako uma ogolin in laga jaro Dhulkan Xabaallaha ah ee Hoyga u ah maytida” ayuu sii yidhi.

Xubno kale oo sheegay inay halkaa ku Aasanyihiin Ehelkoodu, kana mid yahay Wiil Dhalinyaro ah oo magaciisa ku sheegay Maxamuud Axmed Muxumed, ayaa walaac ka muujiyey talaabada dawladda hoose qaaday, waxaanay ku adkeysteen inaanay aqbali doonin in la baabiiyo Xaabalahan, hadii awood kasta loo isticmaalo.xabaal3

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Golaha Deegaanka Caasimada oo ku saabsan Muraadka loo baneeyey Dhulkan Xabaalluhu ku yaallaan, hase ahaatee sida ka muuqatay qaabka loo mariyey Cagafta, waxa dhici karta inay ugu talo-galeen Waddadan laga cabanayo, wallow sarkaalka u hadlay beeniyey taas. Waxaase hadii ay dhacdo ama laga dhigo laami Xabaalahaas dushoodu ka dhalan karta  Nusqaan Diini ah iyo mid bino-aadannimo oo aan indhaha laga qarsan Karin.

Iyadoo howl-galkan shalay lagu baneeyey laftiisu waxyeello badan u geystay Xaabalaha qaarkood, isla markaana  cagaftu baabiisay gabi ahaanba Calaamadihii lagu kala garan lahaa Xabaalaha, kuna sigteen qaarkood inay dumaan sida ka muuqatay raadadka Taayirka iyo qodista Cagaftu ku sameeyeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here