Hargeysa(Hubaal) Wefti ay hogaaminayaan afar wasiir oo ka socda Dalka Itoobiya ayaa goor dhaw ka soo dagaya madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa.
newWasiiradda Itoobiyaanka ah ee weftigan hogaaminaya waxay kala yihiin Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru dawlaha Maaliyadda, Wasiirka Gaadiidka iyo wasiiro kale.
Sidoo kale waxa weftigan oo ka kooban kow iyo toban xubnood ka mid ah agaasimayaasha Hay’addaha ugu waaweyn dalka Itoobiya sida Agaasimaha Hay’adda Korontada, Tareenada, Gadiidka, Wadooyinka iyo kuwa qaabilsan horumarinta.
Weftiga waxa ku qaabili doona madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa wasiiro uu gadhwadeen ka yahay wasiirka Maaliyadda Somaliland, wasiirka Arrimaha dibeda iyo xubno kale oo muhiim ah.
Ujeedada weftigan ayaa la xidhiidha Isticmaalka Dekedda Berbera, Dhismaha Jidka isku xidha labada Dal, Korontada iyo Tareen labada dal isaga gooshi doona.
Weftigan ayaa lagu wadaa inay muddo dhawr cisho ah Dalka Somaliland joogi doonaan iyagoo kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisa. Sidoo kale waxay la kulmi doonaan ganacsatada waaweyn ee danaynayana maalgashiga.