WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA OO SOO SAARAY WAREEGTO LAGU KARAAMAYNAYO MADAXDHAQAMEEDKA

0
24

Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa maanta wareegto ka soo saaray

 

Xushmaynta iyo qadarinta Madaxdhaqameedka Somaliland oo uu sheegay inay hawl culus u hayaan Qaranka Somaliland.

Wasiirka ayaa wareegtada oo ka koobnayd afar qodob ku sheegay in Madaxdhaqameedka Dalka oo dhinaca amaanka hawl culus oo tabaruc ah ay ka hayaan islamarkaan Wasaaradda Arimaha gudaha ka taageeraan hawlaha amaanka Qaranka .

Afarta Qodob ee uu Maanta soo saaray wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa Waxay Ka ahaayeen.

 

thumb.php

1.In la Dhawro Sharafta iyo Karaamada Madaxdhaqameedku Somaliland leeyahay

2. In loo fududeeyo Gacanna lagu siiyo Gudashada hawlaha ay umadda u hayaan ee nabad galyada iyo Xallinta khilaafaadka

3. In Caaqilka Jabiya Qodobada Sharciga ah, xadhigiisa loo soo maro wasaaradda Arimaha gudaha, islamarkaana lala soo socodsiiyo Gudoomiyaha Gobolka ay Arintaasi khusayso

4. Inaan la xayiri Karin Mushaharka Caaqilka ama Madaxdhaqameedka haddii aanay jirin sabab Kalifaysa.

Wasiir Arrimaha Gudaha Somaliland mudane Warancadde waxa uu amray Badhasaabada iyo laamaha amaanka ee dalku inay meel mariyaan Wareegtadan.

Wareegtani uu maanta soo Saaray wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland ayaa noqonaysa midii ugu horaysay ee ay Xukumadda somaliland Kagaga Jawaabayso Xadhiga Madaxdhaqameedka oo markii hore layska xidhi jiray .

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here