Gudomiya waxaa kale oo aan kugu hambalyaynaya sidaa wacan ee u dhacay shirwaynaha xisbiga ee lagagu doortay adiga iyo hoogankaga,
Hargeysa (Hubaal) – Waxaa aan aad iyo aad oo tageersanahay talabada geesinimada leh iyo hanka siyaasadeed ee uu dhayda ka cadeeyay gudomiyaha xisbiga kulmiye muse bxii cabi, taas oo u sheegay gudomiyahu in u tagan yahay doorashada madaxtinimada ee sanadka soo soo socda, waa talabo cadaynaysa hanka iyo mustaqbalka siyaasadiid ee u leyahay gudomiye muse taas oo aan aad u soo dhawaynayo.
Gudomiyaha waxaa aan leyahay anigu ah Guddoomiyaha dhalinyarada G-16 ee degga gobolada m/jeex, hawd/togdheer/saaxil/daadmadheedh ee beelaha arab waxaa aan kugu tageersanahay in aad dadkan iyo dalkan oo noqotid m/weyni shanta sano ee soo socota.
Gudomiya waxaa kale oo aan kugu hambalyaynaya sidaa wacan ee u dhacay shirwaynaha xisbiga ee lagagu doortay adiga iyo hoogankaga, wanaa aad talabo loo qaday dhinaca horumarka .
dadka iyo dalka waxaa ay qiimo ku leeyihin markay ciseeyan halgamayashoodi dalkan oo u soo huray naf iyo maalba ee manta leh han iyo himilo foog , ka damqanaya ,u tudhaya, kana damqanaya dhibka umadiisa sidaa darted waxaa aan leyahay waa in tageero lala barbar istago mujahid mise bxii Cabdi, lana soo dhaweeya hankiisa siyaasaeed ee mustaqbalka dhaw
Gudomiyaha G16 Axmed Maxamed Cabdilaahi