Hargeysa (Hubaal) Allah Ha U Naxariistee waxa maanta Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Fannaankii caanka ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc oo muddo ku xanuunsanayey Gudaha Somaliland.
Maxamed Axmed Kuluc, ayaa xanuun xagga sambabada ah la tacaalayey muddo sanado ah, waxana lagu daaweyneyey Gurigiisa ooo ku yaallay Magaalada Hargeysa.
Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc ayaa ka mid ahaa Fanaaniintii Hobolada Waabari, waxaana uu Fanka ku soo biiray sanadihii 50-meeyadii.
Fanaanka ayaa suugaan kala duwan horay ugu luuqeeyay, waxaana haweenka heesaha uu la soo qaaday ka mid aheyd Allaha u naxariistee Fanaanada Magool oo ay dhowr heeso ku wada luuqeeyeen.
Sidoo kale waxa uu fannaanku heeso kala duwan la qaaday fannaaniin kale oo tiro badan oo soomaaliyeed, kuwaas oo intooda badani geeriyoodeen.
Allah Ha Naxariistee fannaanka ayaa eebe ku galladay cod hallaasi ah oo aanay jirin cid la wadaagtaa, waxana la filayaa in maalinta Beri lagu aaso Hargeysa.
Dhammaan Bahda Hubaal Media Group oo uu ugu Horeeyo guddoomiyaha Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) Tifaftiraha Xasan Xuseen Cabdilaahi (Keefkeef) madaxa wararka Mustafe Maxamed cabdilaahi (Faro) iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bahda Hubaal Media waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii,qaraabadii,asxaabtii,fannaaniintii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay marxuum maxamed axmed kuluc Waxaanay Alle uga baryayaan marxuumka inii jannadii Fardowsa ka waraabiyo Aammiin..
sidoo kale waxa Tacsi tan lamid ah diraysa bahda wargeyska SAXAFI oo kala ah: cabdifataax Dheeg (Kala Jabayso), cabdifataax maxamuud caydiid, Barkhad Ladiif, cabdirisaaq maxamuud caalin,faysal maxamed xasan,xamse siciid kuuriya,mustafe sheikh cumar Iyo wariyaha Awdal uga soo warama Maxamed Cumar
iyo asxaabta kale eek ala ah: maxamed muxumed faarax muuse(Laf-cambe) cabdikhaaliq maxamed xuseen, ,cabdirisaaq maxamed cali(Xiirey),khaddar maxamuud cismaan (Dhako),cabdirixiin cali sah-sahle,cabdiraxmaan cismaan muuse (cabdi gaab), yuusuf xaaji cabdi xamdule (Haliil), naasir cabdi Buushe,maxamuud Ibraahin xawaadle