Shirkii Boorama 1993-kii ee Lagu Doortay Maxamed X. Ibraahin Cigaal
Shirkan oo ka furmay magaalada Boorama gaar ahaan dugsiga Sh. Cali Jawhar kowdii bishii labaad ee sannadkii 1993-kii. Waxaanu soo gababaysmay 25-kii May ee sannadkaasi. Shirkani wuxuu ku soo beegmay iyadoo Somaliland ay hadheeyeen khilaafyo siyaasadeed oo ka taagnaa dawladdii C/raxmaan Axmed Cali (AUN) dhexdeeda, kuwaasi oo u badnaa garabyadii ururkii SNM. Dawladdii lagu dhisay Burco sannadkii 1991-kii oo wakhtigeedii dhammaaday oo aan muujin wax-qabad marka laga reebo Gooni-isu-Taagi lagu dhawaaqay iyo golihii wasiirada ee uu soo dhisay C/raxmaan Axmed Cali (AUN) mooyi ‘e. shirkii Boorama waxa ka soo qaybgalay 150 ergay oo kala matalayey dhammaan beelihii wada degnaa Somaliland. Shirka waxa guddoominayey Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar(AUN) oo ahaa guddoomiyihii Golaha Guurtida, Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, Sh. Muuse Goobaad. Waxa kale oo goobta shirka ku dhammaa salaadiintii, Garaadadii iyo Ugaasyadii beelaha Somaliland oo safka dambe fadhiyey.
Muddo Kordhintii Koowaad ee 1995-kii
Markii dawladdii Maxamed X. Ibraahin Cigaal lagu soo doortay magaalada Boorama horaantii Sannadkii 1993-kii ee ay dhammaatay muddadii xilka loo doortay oo ahayd muddo saddex sanno ah, balse uu socday dagaalkii Sokeeye ee bilaabmay dabayaqaadii sannadkii 1994-kii ayey Golaha guurtidu kulan ka yeesheen sidii loo qiimayn lahaa xaalada dalku marayo. Waxaana la soo jeediyey inaanay marnaba dhacayn doorasho, maadaamo oo lagu jiro xaalada amaan-daro ah.
Kulankaasi golaha guurtida waxa ka soo baxay muddo kordhtii koowaad ee golaha guurtidu u sameeyaan dawladda Somaliland waxaana M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal loo kordhiyey muddo dhan sannad iyo badh. 1995-kii ilaa 1996-kii ayaa la kordhiyey. Horaantii sannadkii 1997-kii waxa loo dareeray doorashadii shir-Beeleedka ee ka dhacday Hargaysa gaar ahaan guriga shaqaalah.
Shirkii Hargaysa 1997-kii ee Lagu Doortay Maxamed X. Ibraahin Cigaal marlabaad.
Shirkani wuxuu ka furmay Hargaysa bishii Novembar ee sannadkii 1996-kii gaar ahaan Hoolka Guriga shaqaalaha ee badhtamaha magaalada Hargaysa. Shirka waxa guddoominaayey Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo golaha guurtida lagu soo daray iyo Suldaan C/raxmaan Sh. Muxumed. Dhinacooda dambana waxa soo fadhiyey madax-dhaqameedkii beelaha Somaliland,Qaar ka mid amma intoodii badnayd. Waxa ka dhexmuuqday Suldaan Ciise Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Maxamed Suldaan C/qadir, Garaad C/qani Garaad Jaamac, Garaad Ismaacil Cali iyo Suldaan Maxamed Suldaan Faarax. Shirka waxa ka soo qaybgalay 316 ergay iyo 100 xubnood oo goobjoogayaal ah. Beel kastaa waxa loo libinlaabay saamigii ay ku lahaayeen shirkii Boorama iyo 16 xubnood oo la siiyey carabtii iyo Gabooyaha.
Muddo Kordhintii Labaad ee 2001-dii
Markii labaad ee muddo kordhinta loo sameeyey dawladdii M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal ahaa ahayd muddo dhan sannad. Taaso ka bilaabmaysay 2001-dii ilaa 2002-dii. Sidii hore oo kale sababaha loo cuskaday muddo kordhinta ay golaha guurtidu samaysay waxa lagu sheegay dhawr arrimood oo ay ugu mihiimsan yihiin
ü Guddigii diiwaangelinta lama samay, si dadka codaynaya loo ogaado
ü Xuduudihii dalka lama wada gaadhin
ü Xaalada dalka oo weli ku jirta amaan-daro, maadaama oo Burco lagaga dhawaaqay gole Salaadiin iyo siyaasiin isugu jirta.
Markii ay golaha guurtidu arrimahaasi soo bandhigeen ayey go’aamiyeen muddo kordhintaasi.
Muddo Kordhintii Saddexaad ee 2003-dii.
Sannadkii 2003-dii ee la doortay M/weyne Daahir Riyaale Kaahin, muddo xilkeedkiisu wuxuu ku dhammaa 2008-dii. Markii ay soo dhawaatay wakhtigii doorashadu, ayay guurtidu kal-fadhi yeesheen ayaa lagaga doodaayey ajande ah muddo kordhin loo sameeyo xukuumaddii Daahir Riyaale. Go’aanka muddo kordhinta oo sumadiisu ahayd GG/JSL kal-fadhi 35-aad, go’aan Lr 04/2008-dii, soona baxay 13-kii Abriil 2008-dii, ujeedada kal-fadhiga ayaa ahayd muddo kordhin. Waxa madasha fadhiyay 65 xildhibaan oo guurti ah, waxa la gudo-galay coad u qaadistii, waxa ogolaaday 61 xubnood, waxa ka aamuusay 3 xubnood, waxaana diiday 1 xubin ah. Sidaasi ayaa xukuumaddii Riyaalae loogu kordhiyay ilaa 6-aad may ee sannadka 2009-ka.
Muddo kordhinta Afraad ee 2009-kii
m/weyne Daahir Riyaale ayaa soo dalbay muddo kordhin dambe, balse wuxuu si xeeladaysan u soo dhigay muddo kordhin loo sameeyo. Warqaada dalabka ah ee M/weyne Riyaale soo qoray ayuu ku sheegay in la is-waafajiyo xilliga ay guddiga doorashooyinka u qabteen inay doorashadu dhacdo iyo sidii xukuumada sharci kursiga ugu fadhiyi lahayd.
Laakiin golaha guurtida ayaa dalabkaasi kal-fadhi ka yeeshay, waxaana soo xaadiray 79 xubnood ka dib waxa la gudogalay cod u qaadis gacan taaga ah ee muddo kordhinta, 42 xubnood ayaa ogolaaday, 35 xubnoodna way diideen. Sidaasi ayay ku ansaxday muddo kordhintii labaad. Labadaasi goor ee guurtidu u kordhisay M/weyne Daahri Riyaale waxay u cuskadeen qodobka Dastuurka ee 83-aad , firqadiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada oo ay ku sababayeen nabadgeliyo daro awgeed iyo inaanu dalku ku dhicin bilaa dawlad. Muddo kordhintaasi dambe waa ta imika looga baqayo dawladan hadda joogta inay waddadaasi raaco.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
Tix-Raac:
Cali Dool Axmed “ Qoryooley”…………………………. Meerisyadii Taariikhda
Boobe Yuusuf Ducaale……………………………………..Dhaxal-Reeb