Talyaaniga Oo Gacanta Ku Dhigay Tahriibe Lagu Xidhiidhiyey Ku Lug Lahaanshaha Dhiigii Lagu Daadiyey Madxafkii TUNISIA Ee La Weeraray

0
29

Torino (Hubaal)- Booliiska Talyaaniga ayaa xaqiijiyey in nin 22 sano jir ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Marooko ay ku qabteen wadankooda isagoo soo raacay doonyaha Tahriibta. Ninkan oo lagu magacaabo Abdelmajid Touil ayaa la sheegay inuu kamid ahaa kooxdii geysatay weerarkii bishii March ee sanadkan lagu qaaday madxafka ku yaal magaalada Tunis, ayaa hore loo baadi-goobayey. Eedaysanaha la qabtay ayaa la sheegay inuu ahaa ninkii hubka u keenay kooxda weerarka fulisay oo iyagu asal ahaan kasoo jeeday dalka Tuunisiya, waxaana ninkan la qabtay lagu eedeeyey inuu hubka weerarkaasi lagu fuliyey uu ka keenay wadanka Liibiya.tunisi

Ehelada wiilkan gaar ahaan hooyadii ayaa beenisay in wiilkeeda uu wax lug ah ku  lahaa weerarkii ka dhacay Tunis.

Abdelmajid Touil ayaa isagoo tahriib ah soo galay dalka Talyaaniga bishii February ee sanadkan. Wuxuuna iskuul luuqada laga barto ka dhiganayey magaalada Gaggiano ee waqooyiga Talyaaniga xiliga uu dhacay weerarkii lagu qaaday madxafka Tunis.

Eedaynta ninkan ayaa sidoo kale la yaab ku noqotay macalimiintiisa Talyaaniga oo sheegay in maalinta uu dhacay Weerarkii Tunis uu ninkan ku sugnaa Iskuulka.

Weerarkii 18-ii March ka dhacay Madxafka Bardo ee magaalada Tunis ayey ku dhinteen 25 oo ay ku jiraan 20 dalxiisayaal ah.

Weerarkaasi ayaa waxaa hore u sheegtay kooxo xagjir ah oo sheegay inay ka tirsan yihiin ISIS.

Todobaadkan ayey xubno kamid ah dowladaha EU-da shaaciyeen inay ka walaacsan yihiin in dadka tahriibta uga imanaya dalka Liibiya ay isku soo dhex qarinayaan dad danbiilayaal ah oo ay ku jiraan kooxaha ay u aqoonsan yihiin argagaxisada.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here