Taliyaha Booliska Somaliland oo ka Hadlay Dad Magaciisa u Isticmaala Hab Been-abuur ah

0
26

Hargeysa (Hubaal)- Taliyaha booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa markii u horraysay ka hadlay dad uu sheegay inay qaab been-abuur ah u isticmaalaan magaciisa.

Taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in aannu aalada bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook-ga ku lahayn ciwaan u gaar ah, balse ay jiraan dad aannu wax aqoon ah u lahayn oo magaciisa ku ticmaalama facebook-ga, kuwaasoo uu u diray farriin digniin ah.

“Facebook aan leeyahay oo aan isticmaalo habayaraate ma jiro, sidaa daradeed, waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland inay sidaa ula socdaan oo ay uga war hayaan,” ayuu yidhi taliyaha booliska Somaliland oo xog-waran kooban siiyey shabakada Hayaan News caawa.
Taliyaha-Booliska-Somaliland-Fadal
Waxa taliyaha boolisku u digay dadka magaciisa qaabka been-abuurka ugu isticmaala aalada facebook, isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan been-abuurkaas ay ku hawlhan yihiin, waxaannu yidhi; “Waxa jira in magacayga Facebook-ga lagu isticmaalo oo cida isticmaasha aanan garanayn, sidaa daradeed waxaan u sheegayaa cida magacayga ku isticmaasha facebook-ga waa inay joojiyaan oo ay ka waan toobaan been abuurkaa ay sameeyeen.”

Aalada Facebook ee internet-ka oo ah goob bulshado ku wada xidhiidho, isla markaana macluumaadyo kala duwan la isku waydaarsado, ayaa inta badan lagaga been-abuuraa dadka magaca ku leh bulshada dhexdeeda, iyadoo ciwaanno magacooda ah lagu baahiyo warar iyo macluumaadyo been-abuur ah oo dadka kale u qaataan inay tahay fikirka ama ra’yiga qofa been-abuurka laga sameeyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here