Taariikh Nololeedka Tifaftiraha Loo Magacaabay Barnaamijyada Laanta Af-Somaliga Ee Idaacada BBC-da

0
112

Cabdiraxmaan Koronto waxa loo magacaabay inuu noqdo tafaftiraha barnaamijyada kala duwan ee ka baxa idaacada BBC-da laanteeda Af-soomaaliga. Hadaba waa kuma C/raxmaan Koronto? Inyar aynu wax ka taabano taariikhdiisa oo kooban. Cabdiraxmaan Koronto, wuxuu ku dhashay isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1974, xilligaas oo aabihii oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan Kadib tartan imtixaanno muddo ka badan lix bilood socday, ayaa weriyaha ruug cadaaga ee BBC Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Koronto), waxaa loo Magacaabay in uu noqdo Tifaftiraha Barnaamijyada kala duwan ee ka baxa Laanta Af-Soomaaliga ee BBC.

koronto yy.jpgCabdiraxmaan Koronto, wuxuu mas’uul ka noqonayaa dhamaan barnaamijyada kala duwan ee BBC sida Raadiyaha, Internet-ka BBCSomali.com, Mobile-ka iyo warar Telefishin oo BBC dhowaan bilaabayso. Waxaa kaloo intaa u dheer Facebook-ga iyo twitter-ka BBC.

Hadaba, Cabdiraxmaan Maxamed Aden Koronto waa nin caynkee ah:

Cabdiraxmaan Koronto, wuxuu ku dhashay isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1974, xilligaas oo aabihii oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan iyo hooyadii oo u dhalatay gobolada Bari ay ku noolaayeen xaafadda Xamar-Jajab. Aabihii wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan booliiska hooyadiina ganacsato. Sadex sano kadib oo ayay u guureen xaafadda Fagax oo Cabdiraxmaan uu ku soo koray ilaa iyo markii ay dhacday dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Waxbarashada hoose iyo dhexe, wuxuu Cabdiraxmaan Koronto ku soo qaatay dugsiga hoose dhexe ee Yaaqshiid sanad-dugsiyeedkii 1984.

Cabdiraxmaan, wuxuu dugsiga sare ku qaatay degmada Boondheere, isagoo ka baxay dugsiga sare ee maamulka iyo xisaabaadka ee Yuusuf al-Kownein sanadkii 1989.

Dagaaladii sokeeye ee dalka ayaa hakad galiyay habsami u socodkii waxbarashadiisa balse Cabdiraxmaan wuu sii watay waxbarashadiisa isagoo ka baxay Machad gaar loo lahaa oo ay dhigayeen macalimiintii machad sare oo maamulka ah oo ku yaallay Xamar iyo dugsigii sare ee maamulka iyo xisaabaadka.

Wuxuu kaloo cabdiraxmaan macalin luqadda Ingiriiska dhiga ka noqday iskuullo dhowr ah sida Bakhdaad, Al-Farhan iyo Al-Andulus.

Tifaftiraha Wararka iyo Barnaamijyada ee BBC Somali, wuxuu ku biiray laanta af-Soomaaliga sanadku markuu ahaa 2000.

Waxbarashada tacliinta sare wuxuu ku qaatay magaalada London.

Wuxuu Cabdiraxmaan haystaa shahaadada koowaad ee Jaamacadeed ee ‘Bachelar’ oo Xiriirka Caalamiga ah. Wuxuu haystaa oo kale laba digriiga loo yaqaan Master-ka, mid waa ‘Master degree in Broadcast International Journalism’ Digriiga master-ka ee warbaahinta caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale haystaa shahaadada sare ee maamulka ee loo yaqaan MBA.

Cabdiraxmaan Koronto, intii uu ka shaqaynayay idaacadda BBC oo muddo afar iyo toban sano ah, wuxuu ahaa nin muujiyay dhexdhexaadnimo iyo sinnaan buuxda marka aad eegto sida uu qaadi jiray waraysiyada iska soo horjeeda iyo barnaamijyada kala duwan ee uu diyaarin jiran.

Tifaftiraha cusub ayaa lagu tilmaami karaa in uu yahay Soomaali dhab ah oo ka shaqayn doona si dhexdhexaadnimo ah tabinta warar sugan iyo toosinta wixii horay uga qaldamay BBC Soomaali. Waxaa laga sugayaa isagoo adeegsanaya khibradiisa shaqo in uu ka soo bixi doono xilkan cusub ee loo dhiibay iyadoo sinnaantii iyo cadaaladdii looga bartay aan filayo in uu sii xoojin doono.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here