Suxufiga iyo Saxaafaddu waa Kuwama? – Qalinkii Abwaan Maxamed I. Warsame (Hadraawi)

0
62

Warbaahinta, gaar ahaan saxaafadda madaxa bannaani meel ay joogtaba waa iftiin iyo ileys horseed ka ah nolosha ummadi leedahay, majaraha ay ku socoto iyo abbaarta ay ku jahaysan tahay. Saxaafadda wax ku oolka ahi waxay sawirtaa eel

 

qarsoon iyo lama aragta kowda ah. Waa jeedal qac kulul oo ka qaylisiiya layliga biyaha kashiisa ku jira ka didaya. Arrin kasta oo saxaafaddu soo bandhigayso waxay u soo bandhigtaa hab iyo hanaan, hubsiino, miyir iyo miisaan ku dheehan yahay. Waxay soo bandhigtaa wakhtiga ku habboon. Waxay raacisaa talooyin iyo tusmooyin. Waxay ka digtaa waxyeellada ka iman karta iyo saamayntiisa.

Abwaan-Hadraawi

Meel kasta iyo maamul jiraba, waxay u qaybsan tahay inay isha ku hayso. Waajibaadkaa halista ah saxaafaddu waxay ku heshaa sumcad, magac iyo maamuus. Waxa kordha miisaanka ay leedahay iyo taxgelinta la siinayo. Waxay hoysataa kalgacalka ummadda, taasina waxay dhalisaa inay hesho cudud miiggan oo dhan walba ah – ay ku tiirsato oo isku kalsoonideeda xoojiya. Waa qalab feejig oo lafaha hoose iyo xaajo dabool adagi saaran yahay qaawisa. Waa qalab cid walba ku tola inay dhabbaha toosan raacdo oo layska ilaaliyo. Haddana, saxaafaddu mar walba ma aha sidaas. Inay sidaas noqotaa waxay ku xidhan tahay shuruudo badan iyo arrimo asaasi ah oo ay tahay inay jiraan.

 

Saxaafaddu marka si loo eego, waxay ka kooban tahay – weriyaha iyo warbaahinta. Warbaahintu, waa sawirka iyo sawraca weriyaha oo car iyo bey la’. Xaqiiqooyinka ka muuqda, waxa uu aaminsan yahay, marinkiisa, dareenkiisa iyo waxa uu difaaco iyo guud ahaan dadnimadiisa iyo duruufaha ku xeeran. Saxaafaddu, haddana ama sida kale, waa xaqiiqooyinka ka jira dowladda, dalka iyo dadka. Waa runta waayaha, waa… waa… waa.

 

Suxufigu waa kuma?

 

  • Wuxuu leeyahay aragti, abbaar sugan, mabda, aqoon guud, aqoon gaar ah oo uu ku jahaysan yahay.
  • Cid walba wuxuu kaga adag yahay, ku dhac iyo badheedhe
  • Waxa uu hay’adda shaqada tooska ah ku leh la ilaaliyaa mabaadiida iyo shuruucda guud ee dalka u taal, wuxuu ilaaliyaa dhaqanka suubban, anshaxa iyo asluubta ummadi leedahay.
  • Waa inuu leeyahay miyir iyo miisaan ilaaliya hawlihiisa
  • Waa inuu ka fayow yahay oo ka madax banaan yahay, balwooyinka iyo aafooyinka camalka dhaawaca ama dib u dhiga.
  • Waa in aannu mabda ka dhigan xasaradda, xeerjajabka iyo dhinac u janjeedhka gurracan ee dhabbada sugan ka leexinaya.
  • Waa inuu leeyahay hibooyinka qurxisa hawshiisa, sida aftahamada iyo farshaxanimada.
  • Waa inuu si xeeldheer oo kala qalan u yaqaan luuqadda uu wax ku qorayo, ama ku tebinayo
  • Waa inuu asturan yahay dhinaca hiyiga iyo haynta
  • Waa inuu ka nabad qabaa qarqarsiga iyo qafaalashada xasiloonnida qaadda.
  • Waa inuu ka tirsan yahay meelo xaqiisa ilaaliya oo ku gudban ama gaadh-haye ka ah.

 

Maxaynu ka nidhi Saxaafadda?

 

  • Marka horeba waa in saxaafaddu ka soo jeeddaa – ummadda iyo waayaheeda
  • Waa inay saxaafaddu tahay sawirkii ummadda oo dib loo tusayo si ay isu daawato.
  • Waa inay ilaaliso midnimadda iyo maslaxadda ummadi leedahay
  • Waa in xilka saxaafaddu yahay toosin iyo talo bixin,
  • Waa inay xambaarsan tahay nuxur iyo mug marba marka ka dambaysa isa soo tara.
  • Waa inay tahay macalin “laqan” ah oo dadka wax bara, waxna ka barta
  • Waa inay tahay mid kaydisa dhacdooyinka maalmaha.
  • Waa inay isku xidho dalka iyo beesha caalamka
  • Waa inay iska wada gufayso gododka bahallo galeenka ah iyo cid kasta oo taqaanna garab ku daaqa.
  • Waxay yeelataa cadow fara badan, oo colaaddiisu ka soo jeeddo dano gaar ahaaneed iyo gurrac wax ku doon Laakiin, waa inay ku tiirsan tahay shacbiyad, cudud iyo ciidan ka fara badan cadowgeeda.
  • Waa inay difaacdo xoriyadda iyo xuquuqda muwaadinka
  • Waa in dadku hiil iyo hoo la barbar taagan yahay.
  • Waa in dowladdu ixtiraam iyo xoojin la garab taagan tahay.
  • Waa inay ka madax bannaan tahay masalooyinka reebban.
  • Waa inay leedahay sharciyad, urur iyo ururro ilaaliya

 

Intaasoo dhan iyo in ka badan waa suxufiga iyo saxaafadda is waafaqsan oo jira meelo badan oo adduunka ah.

 

Bal haddaba, aynu u soo noqonno, suxufiga iyo saxaafaddeenna. Suuragal noqon mayso inaynu teenna, barbar dhigno suxufi iyo saxaafad soojireen ah, dhismay oo dhan walba dhidibbada aastay, ka gudbay heerarka caqabadaha ku ah oo dhan, oo aynu si walba iyo dhan loo dayoba ku kala duwan nahay.

 

Teennu marka hore, waa saxaafad da’yar oo socod barad ah, oo weli aan gacanta ku dhigin qodobbo badan oo aasaasi ah. Waxa dhacay burbur guud oo laastay naf iyo maal, dhur iyo dhaqan, anshax iyo asluub. Burburkaasi weli wuu socdaa. Maalin walba maalinta ka dambaysa, dalka iyo dadka waaxbaa sii degeysa. Taasna astaamaha caddaynaya waxa ka mid ah barakaca iyo sibiq-dhaqaaqa dalka ka socda, geediga iyo suudalka taxanaha ah, isdeldelka nafwaaga ah – xaaladdaas ayay saxaafaddeennu dhex taagan tahay. Waxay salka ku haysaa waayaha ka jira dalka iyo dadka. Ummaddu kuma biirin karto arrin aqoon iyo adduun midna.

 

Ragga saxaafadduna badi waa rag dhallinyaro ah oo weli ay u dhiman tahay aqoon iyo waayo-aragnimo. Waxay sameeyaan ragganimo iyo dedaal aan dedaal kale ku tiirsanayn. Waxa haysata qorshe la’aan iyo qalab la’aan. Waxa haysata fadqalallo iyo fara-madhnaan. Waxa haysata cadaadis iyo cagajuglayn kaga imanaysa dhinaca dowladda. Weli ma saldhigin oo uma saahidin xilka iyo mas’uuliyadda hortaal ee ay keli ku yihiin. Cid hundo og oo ka war haysaa ma jirto, ciday nabadgelyo ahaan ku tiirsan yihiin ma jirto. Marar badan bay dhacday in badan oo iyaga ka mid ah in xabsiga loo taxaabo oo aan laba cali is weydiin, oo weliba habka iyo hanaanka loo qabtay ay dadnimada ka baxsan tahay. Denbi lagu oogey oo maxkamadi ku caddaysayna aannu jirin. Hadday dhaliilo leeyihiin waa dhaliilo ka muuqda dalka iyo dadka. Cid waxa ku dhaantaa ma jirto, siday wax ku dhaliyaanna waa rag ka rooni iyo dedaal ay keli ku yihiin.

 

U dambayn, waxaan hanbalyeynayaa xuska maanta ah ee wargeyska Geeska Afrika iyo guud ahaan ururka warbaahinta. Suxufiga iyo saxaafaddu waa intaas iyo in ka mug weyn.

 

FIIRO GAAR AH: Qormadan waxa uu Abwaanku qoray April 17, 2008. Waxa uu kaga qaybgalay xuska sannadguuradii labaad ee Wargeyska Geeska Afrika.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here