Socdaalkii Itoobiya iyo Waayihii Ku Ladhnaa!!!Qormadii:2-aad W/Q:Khadar Gureyte.

0
60

Sida aynu qormadii tan ka horeysay ku soo marney,waxaa ay inoo joogtey markii ninkii aanu Saaxiibka aheyn ee Dr:Axmed Xasan Maxamed(Gadhey) uu taleefankii iga qabtey,dad aad u fara badan oo qoraalo ii soo direyna ay iga codsadeen in aan sheekada hore u soo dadajiyo si ay qeybaha kale ee hadhayna ay ula sii qabsadaan.arrintii Dr:Axmed Gadhey uu ii sheegay iyo sidii ay wax noo dhex mareena waxaa ay u dhaceen sidan:

Axmed deedna waxaa uu ii sheegay in gudaha Magaalada Adis-Ababa labadii cisho ee ugu danbeysay lagu bixinaayey Baasaboor Itoobiyaan(Ithopian passport),dadka qaadanayaana kaliya ay yihiin dadka haysta mustadabaqihii Itoobiya ee ugu danbeeyey ee la bixiyo.waxaana uu intaas ii raaciyey anigana bari ayaa layla balan san yahay oo aan soo qaadanayaa,hebel iyo hebalna shaley ayaa ay qaateen.markaa arrintaas muhiimka ah ayaan kuu sheegayee si dag-deg ah u kaalay oo orad oo doono Musdabaqaha inta aad Gaashaamo tagto,waliba ka Gaashaamo cid kula hadli maysee xaga hore ayaa lagaa siinayaa ayuu hadalka ii sii raaciyey.

zza

Yaabey!!!hadana u arkey fursad muhiim ii ah maadaama oo aan ahay arday wax baranaya,baasaboorkaasina helitaankiisu uu ii sahli karo in aan meelo kale u waxbarasho doonto marka Shahaadada heerka koowaad ee Jaamacadu ay dhamaato(Degree Level),si aan kor ugu sii qaado heerkayga aqooneed.

 

Markiiba waxaan qaatey go’aan dag-deg ah,waxaanan go’aan saday in aan doonto Baasaboorka la bixinayo,Axmed-waxaan u sheegay in aan doonanayo Musdabaqahii,waxaana uu intaas hore uu hadana iigu sii daray in aan sida uu marka warka ku helay ay bixinta baasaboorku soconayso muddo Shan iyo Toban cisho ah oo maalintaa aanu wada hadleyno ka dib ah.

 

Intaa kadib waxaan iska dhamaystay imtixaankaygii Jaamacada,waxaanan la tashaday saaxiibkay Yaasiin iyo Asxaabkale oo aanu isku Fasal nahay aadna qaali iigu ah,nasiib wanaag arrintii markii aan iyagana u sheegay in ay arrintaasi jirto,waxaa ay iyaguna markiiba ii sheegeen in ay tagayaan oo ay doonanayaan baasaboorka hadana ay isku dayayaan sidii ay u soo qaadan lahaayeen Musdabaqaha.

 

Axmed sida uu ii sheegay musdabaqaha la soo qaadanayaa waa mid uu ku sawiran yahay neef geel ah oo tirsiga sanad taariikheedka dawlada Faderaalka ah ee Itoobiya la bixiyey waxii ka danbeeyey 2006-dii taariikhdooda,waxaana sida markaa la ii sheegay markii aan waraystay laygu yidhi,waxaa aad ka heli kartaa Gaashaamo oo qudha,waana meeshii uu markii hore Axmed aad iigu amaanayey ee uu lahaa waa ka kaliya ee aan hadal laga soo celinayn hadaad sidato.

 

Go’aan gaadhay,waxaanan u xidh xidhay sidii aan ugu ambabixi lahaa Dagmada Gaashaamo ee dawlad deegaanka Ismaamulka Somalida ee dalka Itoobiya,waxaana u baxa gawaadhi nooca loo yaqaano Waaraadka ama Shaamboo hadba sida ay dadku u yaqaanan,gaadiidka inta gaashaamo tagta ee Hargeysa ka baxda waa laba gaadhi oo qudha,nasiib wanaag mid kamida oo u baxaaya gaashaamo ayaan helay,waxaana ay igu wargaliyeen in la bixi doono Subaxa Jimcaha oo ay marka taariikhdu ahayd 21.12.2013.

 

Isla wakhtigaaba waxaa gudaha magaalada Hargeysa si aada looga dareemayey xam xamta dadka u xidh xidhanaaya in ay doontaan Baasaboor Itoobiyaan,waxaana aad si aada ugu arkaysay dad aad u fara badan oo goobaha Sawirada laga galo Magaalada Hargeysa ka galaaya Sawiro kuro ah,dadkan waxaa ay waliba isagu jiraan qaar iyaga Musdabaqe Foojari ah halkan magaalada gudaheeda loogu samaynaayey iyo qaar kale oo iyaguna sidayda oo kale u doonanayey Magaalada Gaashaamo ee Ismaamulka Dawlad Deegaanka Dalka Itoobiya.waxaa kale oo wararku markaa nagu soo gaadhayaan in dad aad u fara badan oo Magaalooyinka kale ee dalka ahi ay ku sii qul qulayaan Gaashaamo oo ay markaa u badnaayeen dad reer Burco ah.

 

Gaashaamo anigu wali hore u maan arag cid aan ka garanaayo habayaraatee ma jirto oo aan anigu halkaas ku sii ogahay,waxaana aynu qormadan qormada ku xigta ku soo qaadanaynaa bal waxii aniga iyo Gaashaamo na kala qabsadey.

La Soco Qeybaha Danbe………………..

Khadargurayte@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here