Socdaalkii Itoobiya Iyo Waayihii Ku Ladhnaa!!!Qormadii:3-aad W/Q:Khadar Gureyte
Gaashaamo anigu wali hore u maan arag cid aan ka garanaayo habayaraatee ma jirto oo aan anigu halkaas ku sii ogahay,balse waxaa aanu aad saaxiibo qaali ah u nahay Caydaruus Maxamed Warsame oo ah nin dhalinyaro ah oo aanu isku Fasal nahay Jaamacada illaa dugsigii sarrena aanu Isku fasal soo ahayn.
Magaalada Gaashaamo waxaa dagen Caydaruus Adeerkii Axmed Warsame oo horena uga tirsanaa maamulka dawlada Hoose oo hada se la badalay,Caydaruus waxaa uu ii sheegay in aan si toos ah ugu tago Adeerkii Axmed Warsame,deedna aan isu sheego si uu hawlaha aan u socdo uu iigu fududeeyo,sida oo kale Caydaruus waxaa uu ii sii dhiibay Laba Musdabaqe oo midna isaga yahay midna walaalkii oo ka weyn uu yahay Mustafe Maxamed Warsame,si aan ugu soo badalo musdabaqaha cusub ee hada la bixinaayo,maadaama kuwan wakhtigoodii uu dhamaaday.
Caydaruus hadana waxaa ay sida oo kale si toos ah isu garanayaan gaadhiga aan raacayo oo odeyga wata oo magaciisa la yidhaahdo Kuda-Kude sida oo kalena adeer ugu toosan Caydaruus,waxaana uu darawalkii iyo inankii Danayga(Xisaabiyaha) u ahaa Gaadhiga uu ku balamiyey in marka Gaashaamo la tago ay iigeeyaan Caydaruus Adeerkii Axmed Warsame.waxaana ay ii balan qaadeen in ay si toos ah ii gayn doonaan guriga Axmed Warsame.
Subaxii Jimacaha ayaan gurigii ka soo kalahay si aan u soo gaadho dhinaca gaadhiga,oo aan ku balan sanayn in uu goor hore oo subaxnimada ah baxaayo,markiiba intii aan meeshii joogay ayaa hadana waxaa Illa soo Hadley dad kale oo aanu asxaab nahay oo iyaguna doonayey in aan u soo sameeyo Musdabaqe,waxaana ay ii dhiibeen lacagtii Musdabaqaha iyo Sawiradii kurarka waana laba qof oo midna Inan tahay midna uu Inan yahay.
Xisaabintii gaadhiga ,sugitaankii dad rakaab ah oo maqan iyo raritaanki gaadhiga waxii rar ahaa ee u dhinaaba,waxaa ay gaadhay xili qadihii ama duhurkii,wakhtiga Salaada oo taagnaa awgeed aniga iyo dad kale oo rakaab ahaa oo gaadhiga saarnaa waxaanu ku wargelinay in gaadhigu na sugo inta aanu Salaada Jimcaha soo tukanayno.
Goor ku dhaw Salaadkii casar ayaa ninkaygii gaadhiga raacitaankiisa u soo kala hay subaxnimadii hore aanu ka dhaqaaqnay Magaalada Hargeysa,yaab iyo fajiciso ayaa ay igu noqotay,waxaanan xataa mar marka qaar aan ku fekeray in aan iska joogaba laakiin dad badan oo rakaab ah oo gaadhiga saarnaa oo iyaguna doonayey Musdabaqaha oo aanu isku u jeed ahayn ayaa igula taliyey in aan iska fuushanaado gaadhiga oo aan u jeedada aan u soo baxay aan ka midho dhaliyo.
Hadana kaba sii daranee markii aanu gaadhiga fuul nay ayaa dadku war ma waayaanee waxaa nala soo Hadley dad aanad garaneynba meel ay ka soo hadlayaan ku waasi oo leh Maayarkii Dagmada Gaashaamo ,Magaalada Hargeysa ayaa uu soo qabtey oo muddo Todoba cisho ah ayaa uu joogayaa Hageysa,qaar kale ayaa waxaa ay yidhaahdaan Musdabaqayaashii ayaa dhamaaday,ogow hada wali ka maanan dhaqaaqin gudaha Magaalada Hargeysa.
War-wer iyo walaac aad u badan ayaa ay nagu abuurtey qof waliba waxaa uu naftiisa kula show-raayey ma iska joogtaa.dhawr qof oo kamid ah dadkii u jeedka Musdabaqaha u socdayna durba waxaa ay go’aan sadeen in ay ka hadhaan gaadhiga oo ay iska joogaan,waana ay ka dageenba gaadhigii,iyaga oo anagana markaa nagula talinaaya in aanu iska joogno oo aanan ku lugoin Gaashaamo mar hadii aanu Maayarkii Dawlada Hoose ee wax saxeexayey joogin,laakiin waanu ka qalbi adaygnay oo waxaanu kala dooranay laba oo aanu nidhi hadii aynu Musdabaqahaa soo helno,waxaa aynu ku guulaysanay ujeedkii aynu u soconay.Haddii kale oo aynu Musdabaqahaas soo waynana waxaa aynu baranay dhul iy dad aynaan hore u aqoon markaa rag socod waa u door ee aynu ku adkaysano tagitaankeena.
Wali gaadhigii intii aanu halkii ka dhaqaaqin ayaa niman kale oo aanu aad saaxiibo u nahay oo reer Burco ah ay maqleen in aan Gaashaamo imanaayo,iyaga laftooduna ay u soo socdaan gaashaamo si ay u soo qaataan Musdabaqaha,ka dibna ay u doontaan Baasboor Itoobiyaanka oo dadka oo dhamiba ay wada raadinayaan.
Intii hadhaysay iska hadhay intii kalena ku adkaysatay in aanu tagno.gaadhigiina waxaa uu u dhaqaaqay jihadii aanu u soconay,taraag dheer,sii guurayn,dhaxan aad u badan oo dhacaysa,rakaabka gaadhiga saran oo aad u fara badan oo meesha aad fadhidaa ay aad u cidhiidhi tahay iyo Siigo aad u badan oo gaadhigu samaynaayo kadib waxaanu goor danbe oo waa ku dhawaadkii ah yara seexaanay meel Xuduudka Itoobiya inyar u jirta oo ka shisheysa Magaalo la yidhaahdo Khaatumo oo xuduudka Itoobiya iyo Somaliland ah.
Hadana halkii ayaanu dib socdaalkii uga sii bilow nay.waxaanu mar kale aanu afka saarney wado aad u dheer oo qof garanaya mooyee qofkale malaysan Karin in dhulka la marayaa intan isu jiray,fogaan shiyaha,Wadada rafka ah ee la’maraayo iyo waliba baqaha ku galaaya marka aad Xuduudka dhaafto ee ah in si aada looga baqanaayo Ciidanka Faderaalka Itoobiya oo meelaha Wadooyinka u istaaga gawaadhiga sida Allaabada Bagaashka ah ee sida Sharaabka Biyaha iyo waxyaabihii la halmaala ee ganacsatada Dagmada Gaashaamo ka soo iib sadaan Magaalada Hargeysa.
Sida ay qaar kamid ah dadkii rakaabka ahaa ee iyagu deegaanka ahaa oo aan si xog ogaalnimo ah aan u waraystay,waxaa ay ii sheegeen in guud ahaanba deegaanka ay dagan yihiin aan laga ogalayn allaabada Bagaashka(Buskudka,Biyaha,Caanaha IWM) ah ee laga keeno gudaha Somaliland,waxaana ay carabka ku dhufteen in ay Dawlada Faderaalka Itoobiya ay u aqoonsan tahay Allaabo sifo sharci darro ah dalka ku soo gashay,waxaana ay intaasi iigu sii dareen gaadhiga lagu qabto isaga oo allaabo noocaas oo kale ah sida ay waxii Bagaash ah ee uu sida dhulka ka dhigayaan deedna ay gubayaan.
La Soco Qaybaha Danbe…………………………
khadargurayte@gmail.com