Sii Daynta Yuusuf Cabdi Gaboobe Ma Culays Caalami Ah Baa…..Faallo

0
33

Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa, galinkan dambe ee Maanta Maxakmadii ku xukuntey xadhiga xaqdarada ahi waxa ay diyaarisey amarka Madexweyne Siilaanyo kadib in xoriyadiisii dib loogu

haatuf news

Hargeysa(Hubaal)-Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa amrey in xoriyadiisii loo soo celiyo Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe kadib markii ay Midowga Yurub iyo ururada caalamiga ah ee Xoriyatul Qowlku culeys badan ku saareen sidii xoriyadiisa ugu soo celin lahaa, Wargeyska Haatuf iyo Masuuliyiintiisa, taas, oo sida la Sheegay Madexweyne Siilaanyo ka cabsi qabo in socdaalkiisan, waxa lagaga weydiiyo wadanka ingiriiska ee uu usocdaalay xiligan.

Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa, galinkan dambe ee Maanta Maxakmadii ku xukuntey xadhiga xaqdarada ahi waxa ay diyaarisey amarka Madexweyne Siilaanyo kadib in xoriyadiisii dib loogu soo celiyo taas, oo laga soo daayay,Xabsiga Dhexe ee Magaalada Gabiley oo uu ku xabisnaa maalmihii u dambeeyay,waxaanu usoo amababaxey

dhinaca Caasimada Hargeysa, ee laga taxaabay.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland,Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali(Rayte) oo katirsan Xildhibaanada Mucaaridka ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, Siyaasi Axmed Xasan Cali(Like), iyo Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Rashiid Maxamed Faarax ayaa, dhamaantood si adag uga hadley xadhiga iyo xukunka xaqdarada ah ee ku dhacey Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, taas oo ay xukuumadu ka xanaaqdey hadaladaas qaarkood sida Axmed Xasan Cali(Like), oo si adag uga hadley Xadhiga Gaboobe iyo kii lagula kacey Wasiir/kuxigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor.

 

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali(Rayte),ayaa isagu sheegay in ay laba dhinacba khalad weyn tahey xadhigan Xukuumadu kula kacdey Yuusf Cabdi Gaboobe marka loo eego Xoriyatul-Qowlka iyo madaxbanaanida Garsoorka oo meel lagaga dhacey maadaama, xukunka lagu riday Suxufiyiintan loo yeedhiyay Maxakamada iyo Garsoorka qaadey Xukunkan, waxaanu sidaa ku Sheegay Rayte mar ay Hadhwanaagnews wax ka weydiisay Xadhiga Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Waxa kale oo ka hadley xadhiga Yuusuf Cabdi Gaboobe islamarkaana Shabakada Wararka hadhwanaagnews wax ka weydiisay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Wadani Dr Fadal,iyo Siyaasiyiin kale oo uu kamid ahaa Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Somaliland, iyo Xubno kale oo door kamid ah ururada Bulshada Rayidka ah.

Waxaad goor dhow kala Socon doontaan Hadhwanaagnews Wareysi aanu layeelan doono Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Xogyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Rashiid Maxamed Faarax.

Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan) hadhwanaagnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here