‘Shuruucda Xeer-Dejintu Soo Saarto Haddii Lagu Dhaqmi Waayo Digreetada Madaxweynahana Lagu Dhaqmi Maayo’- AKHRI Mudaneyaal  xukuumada iyo hay’adaha garsoorka ugu baaqay inay ku dhaqmaan xeerka saxaafadda

0
56

 

Hargeysa (Hubaal)- Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xukuumada madaxweyne Siilaanyo iyo hay’adaha garsoorka ugu baaqay inay ku dhaqmaan xeerarka iyo shuruucda dalka u yaal,  gaar ahaan xeerka saxaafadda oo golayaasha sharci-dejintu ansixiyeen, madaxweynihii horena saxeexay.

Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan oo ay ka mid yihiin Md. Siciid Cilmi Rooble, Md. Bashiir Tukaale, Md. Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, Md. Xuseen Ismaaciil Yuusuf, Md. Cabdikariin Aw Cali Shabbeel iyo Md. Ibraahim Jaamac Rayte oo magaalada Hargeysa ku qabtay shir jaraa’id maanta, waxay si adag uga hadleen xayiraada wargeyska Haatuf iyo Hubaal, kuwaasoo sidoo kale ku baaqay in masuuliyiinta wargeyska Haatuf ee xidhan kiiskooda lagu qaado xeerka saxaafadda.

xildhibaannada-wakiillada-ee-dhaliilayXildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay in xukuumadda iyo hay’adaha garsoorku diidan yihiin inay ku dhaqmaan shuruuc golayaasha sharci-dejintu ansixiyey, madaxweynihii hore ee Somaliland-na saxeexay isagoo tusaale u soo qaatay xeerka saxaafadda oo aan ilaa hadda lagu dhaqmin.

“Xamar waxa ka dhaca in saxaafadda lagu laayo, halkan Somaliland-na waxa ka dhaca in saxaafadda lagu xidho, arrintaasina waa mid naga yaabiyey, annigoo ah Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Garsoorka, Caddaallada iyo Garsoorka, waxa aannu baahinaynaa in aannu sida ugu dhakhsaha badan guddi ahaan ugu yeedhi doono Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo aannu si cad u weydiin doono waxa loogu dhaqmi waayo Xeerka Saxaafadda. Haddii madaxweynaha hore xeerarka uu saxeexo lagu dhaqmi waayo, madaxweynaha dambena xeerarkiisa lagu dhaqmi maayo. Haddii Golayaasha Sharci-dejintu shuruucda ay soo saaraan lagu dhaqmi waayo, digreetada madaxweynuhu soo saarana lagu dhaqmi maayo. Haddii qarankan madaxweyne, Guddoomiye Maxkamad Sare ilaa Xeer-ilaaliye Guud, Xildhibaan, Wasiir ilaa Badhasaab haddii ay sharciga raaci waayaan, sharcigu qaban maayo qofka muwaadinka ah ee miskiinka ah oo qudha iyo saxafiga,” ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.

Waxa oo Madaxweynaha Somaliland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ugu baaqay in lagu dhaqmo Xeerka Saxaafadda, suxufiyiinta xidhan iyo warbaahintana lagu dhaqo xeerka u yaal saxaafadda, isagoo xusay in wax allaali wixii kale ee sharci ah ee qof saxafi ah loo adeegsado yahay waxba kama jiraan, maadaama xeer saxaafadeed oo dhaqangal ah dalka ka jiro.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Md. Bashiir Tukaale oo ku baaqay in lagu dhaqmo xeerarka iyo shuruucda dalka u yaal, isagoo tilmaamay in ummadda iyo dawladdu ku horumari karto, kuna jiri karto marka lagu dhaqmo xeerarka iyo shuruucda dalka Somaliland u yaal.

“Haddii sidan lagu dhaqmo dalkan ma sii jirayo ee waa in xeerrarka lagu dhaqmo, sharcigana la ilaaliyo, waxaan leeyahay madaxweyne, saxaafadda aad maanta xidhxidhayso ee aad ka qaylinayso, waa kuwii markii aad mucaaridka ahayd kuu qaylinayey ee xaqa xoriyadda ku dhaqmayey, markaa in aad maanta xidhxidho xaq uma lihid. Ummaddu xeer ayey dhigatay, waanna in xeerarka sidooda loogu dhaqmo, saxaafadda iyo xusufiyiintana lagu qaado xeerka saxaafadda ee madaxweynihii hore saxeexay,” ayuu yidhi Md. Bashiir Tukaale.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay mudanayaasha kala ah; Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, Cabdikariin Aw Cali Shabeel, kuwaasoo xukuumadda ugu baaqay in lagu dhaqmo xeerka saxaafadda Somaliland.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ku baaqay in la dhaqangeliyo xeerka saxaafadda, isagoo xusay in warbaahintu u shaqayso ummadda Somaliland, magaca iyo horumarka dalkana gaadhsiiyo meel aan ummaddu gaadhin, isagoo tilmaamay in aan saxafaddiga war faafiya loo qaadan inuu wax dilay, balse loo fahmo inuu qof qudha wax ka sheegay, kiiskiisana hab madani ah loo maro, laguna qaado xeerka saxaafadda u yaal.

“Madaxweyne, waxa aad masuul ka tahay oo aad ummadda u ilaalinaysaa waa dastuurka qaranka iyo shuruucda ka fasirantay,” ayuu xildhibaanku yidhi.

Md. Ibraahim Jaamac Rayte oo ka mid ahaa mudanayaasha shirka jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in maxkamaddaha iyo gasroorka dalku leeyihiin sharaf iyo karaamo, muuqaalka dadku ka haystaana yahay inay si caddaalad ah dadka ku kala saaraan, uguna kala garsooraan, balse, kalsoonidii shacabku ku qabay dhimanayso haddii qaab fool xun loo adeegsado, waxaannu tilmaamay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo tahay mid aan ku dhaqmin xeerarka dalka, nabadgelyada guudna halis gelinaysa.

Waxa xildhibaanku sheegay in masuuliyiinta Wargeyska Haatuf lagu eedeeyey inay shaqsiyad dawladda ka tirsan wax ka qareen, isagoo xusay in arrimahaas oo kale yihiin wax adduunka ka dhaca, balse ay ka yaalaan xeerarka la xidhiidha sumcad-dilka shaqsiyada qofka, waxaannu tilmaamay in sida saxda ahi ahayd in masuuliyiinta Haatuf dacwadooda lagu saleeyo xeerka saxaafadda, loona qaado hab madani ah, iyadoo haddii Haatuf ku guul-daraysto caddaynta wararka uu qoray lagu yeelanayo magdhaw, balse aanay meesha oolin xadhidh iyo in xeerka ciqaabta guud la isku adeegsado.

Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee shirkaas jaraa’id qabtay, ayaa sidoo kale saxaafadda dalka ugu baaqay inay ilaaliyaan xeerarka iyo shuruucda dalka, wararka ay baahiyaana noqdaan qaar sax ah oo aan been abuur iyo meel-ka-dhac ku ahayn masuuliyiinta dawladda iyo qarannimada Jamhuuriyadda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here