Shirkado Shidaal Oo Laga Leeyahay Dalalka Norway Iyo Sweden Oo Isku Haysta Meelo Isku Mid Ah Oo Ay Somaliland Iyo Puntland Heshiis Kula Galeen Shidaal Baadhis

0
35

Hageysa(Hubaal) Laba shirkadood oo ah kuwa shidaalka qoda ah ayaa isku maandhaafsan meelaha shidaalka ay ka qodayaan ka dib markii ay meelo isku mida laga iibiyey labada shirkadood in ay ka sameeyaan sahaminta shidaalka oo ku yaala Gobalka Sool iyada oo ay laba shirkadoodna ay heshiisyada la kala galeen Somaliland iyo Puntland.

holhol3

Joornaalka ugu weyn Sweden ee Aftonbladet ayaa qoray warbixin dheer oo uu kaga waramay in dagaaal ka dhex socdo shirkadaha shidaalka ee Sweden iyo Norway, dagaalkaas oo ku saabsan shidaalka Somaliland, gaar ahaan aagga magaalada Holhol ee u dhow Laascaanood gobolka Sool.

Shirkadda Lundin (Africa Oil) ee Sweden iyo shirkadda kale ee reer Noway ee DNO International ayaa waxa Wargeysku tilmaamay in ay goob kali ah oo shidaal laga sahminayo labaduba heshiisyo kala duwan kula galeen dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, aagaas oo ku astaysan “Nogal-1″ oo la ollog ah Holhol.

holhol2

Isla gaabtaas waxaa dawladii hore ee Soomaaliya ay heshiis shidaal sahamin ah kula gashay shirkadda laga leeyahay Maraykanka ee Conoco Philips.

holhol3 Sida jariidadu qortay waxaa aagga ay shirkaduhu isku haystaan booqasho ku tegey weriye ka socdey jariidadda Aftonbladet asagoo la hadlay dadka deegaanka.

holhol4

Warbixinta jariidada oo ku qoran Swedish cinwaankeeduna yahay “Norsk-svenskt krig om olja i Somalia” (Norwegian-Swedish war about oil in Somalia” waxaa lagu yidhi sidan: “Labadan shirkadood oo lagu magacaabo Lundinsfärens Africa Oil och norway DNO International ayaa waxay heshiis la galeen laba maamul oo aan sharci ahayn waqooyiga dalka Somaliya, labadan maamul ayaa waxaa ka dhex jira dagaal kaasoo ay hurinayaan shirkadahani. Shirkaduhu waxay lacag ku bixiyaan sidii dhulka shidaalku ku jiro si xooga looga saari lahaa dadka degan.

holhol5

Dhagax yar oo leh calaamada Nogaal1 ayaa waxaa hoostiisa ka buuxa shidaal fara-badan, dadku kama hadli karaan shidaalka mar wargeyskan wariye ka socdaa ay meesha tagteyna dadku weey ka baqeen inay shidaalka kala hadlaan.

Meesha shidaalku ku jiro ee la isku hayo ayaa waxaa isku heysta Somaliland iyo Puntland oo labadu ah labo maamul oo aan aqoonsi caalamiya heysan, shirkadahan ayaa mar walba waxay lacag farabadan siiyaan cida markaa gacanta ku heysa dhulkaas, taas ayaana keentay in dagaalku ku soo noq noqda gobolka Sanaag iyo Sool.

holhol1

Nin lagu magacaabo Cali Cabdulaahi ayaa shirkada Lundin waxay u wakiilatay 2005 inuu maamulka Puntland kala hadlo suurto galnimada wada shaqyn goobaha shidaalka ah, sanadkii xigay 2006 ayaa Cali Cabdullaahi warbixin uu u soo gudbiyey shirkada Lundin wuxuu ku sheegay in uu shirkadan kula talinayo inay dawlada Soomaaliya ay kala hadasho arrintaas heshiiska shidaalka.

Shirkada Lundin ma joojine sanadkii 2007 waxay heshiis wada shaqeyn ah la saxiixatay maamulka Puntland iyadoo isticmaaleysa magaca Lundinbolaget Africa Oil, taasi waxay keentay in labada maamul waa Somaliland iyo Puntland ay mid waliba doonto inay gacanta ku dhigto dhulkaas.

Somaliland ayaa dhinaceeda waxay heshiis la saxiixatay shirkada Norway DNO International, 2007 ayay Somaliland gacanta ku dhigtay Laascaanood, kadibna Xudun, sidoo kale Deegaanka Holhol oo ah meesha shidaalka laga helay waxaa shirkada Noway DNO International heshiis kula gashay maamulka Somaliland.

April 2014 ayaa waxaa Holhol qabsaday maamulka Somaliland, maadaama buu yidhi Wargeysku shirkada Norway DNO International ay sidaa dooneysay.

Shirkada Swedishka ah ayaa waxaa heshiis ka dhexeeyaa maamulka Puntland halka tan Norway uu heshiis ka  Dawlada Somaliland, waxaana leysyku heystaa cidii gacanta ku dhigi lahd deegaanka shidaalka ee gobolka Sanaag.

Shirkad weyn oo laga leeyahay wadanka Mareykanka lana yidhaa Conoco Phillips ayaa dhawaan heshiis la gashay dawlada Somaliya, heshiiskaas oo ahaa cusbooneysiin ahaa wuxuu quseeya halka ay isku hayaan shirkada kale ee Lundinsfärens Africa Oil och norway DNO International.

Shirkadahan shidaal ee sida sharci darada ah uga howlgala dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ayaa waxay dhibaato ku hayaan dadka deegaanka gaar ahaan shacbiga reer Somaliland ee aagaas ku dhaqan iyadoo lacagaha ay bixiyaan lagu barakiciyo, dadka deegaanka oo wargeysku la hadlay ayaana sheegay inay hada wixii ka dambeeya ay la dagaalami doonaan.

Boqor Cabdillaahi Axmed Cali oo la hadlay wargeyskan ayaa sheegay in markii hore ay soo dhaweyn jireen shirkadaha, laakiin hada ay wax ka bedeleen dhulkoodana difaacan doonaan.

Mats Utas oo ah qabiir ku taqasusay Africa ayaa sheegay in shirkadahan ay la heshiiyeen shaqsiyaad musuq maasuq ah oo danahooda u fuliya, iyagoo doonaya inay helaan shidaal raqiis ah, Mats Utas ayaa isaga oo arrimahaas ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waa nooc cusub oo gumeysi ah, shirkaduhuna waxay doonayaan inay gumeystaan Afrika xag dhaqaale.” Khabiirka ayaa ku taliyey in shirkadahan wadamada laga leeyahay ay sharciyo adag ku soo rogaan.

Source: ramaasnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here