Shirguddoonka Shirweynihii HOODAALE oo ka digay faragelin Siyaasadeed oo Xubno Guddiga Horumarinta Beesha ka tirsani ku hayaan hawlaha Guddiga

0
20

Guddiga Horumarinta waxa la gudboon inay ka fiirsadaan faragalinta Arrimaha Xisbiyada iyo siyaasada kuwaa oo ku keeni kara Beesha Khilaaf”- WAR-SAXAAFADEED.

Hargeysa (Hubaal)- Shirguddoonka Shirweynihii Hodaale ee Beelaha Sacad Muuse ugu Qabsoomay deegaanka Agabar ee Woqooyiga Hargeysa intii u dhaxaysay 22/9/2013 ilaa 26/9/2013-kii, ayaa ka digay wax ay ugu yeedheen dhaq-dhaqaaqyo dano-gaar ah looga faa’idaysanyo oo xubno ka tirsan Guddi Horumarineed oo shirkaas lagu doortay ay khilaaf ka dhex-abuurayaan hawlaha Guddigaas, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay uga faa’iidaystaan arrimo siyaasadeed oo ka baxsan hawshii loo Igmaday.

Guddoomiye ku-xigeenkii shirkii Beelaha Sacad Muuse ee Hoodaale Jiif-Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore, iyo Xoghayihii Shir-guddoonka shirweynaha Siciid Muuse Cabdi (Bustaale), ayaa war-saxaafadeed ay xalay si wada-jir ah uga soo saareen magaalada Hargeysa oo warbaahinta la soo gaadhsiiyey, waxa ay kaga digeen walaaca ka iman kara in koox ka mid ah Guddigu si gaar ah ugu tagrifasho awood aanay lahayn.

War-saxaafadeedka oo xambaarsan qodobbo caddaynaya ujeeddadii loo aasaasay guddigaas, sidii ay Beeshu shirkii Agabar uga mamnuucday in ay arrimo siyaasadeed saamayn ku yeeshaan iyo baaqyo ay soo jeediyeen, ayaa u dhignaa sidan:-

  1. Shirweynahaasi wuxuu ahaa mid Dhaqan oo lagaga hadlaayay danaha guud ee Beesha wax siyaasad ah oo lagu soo qaadayna ma jirin
  2. Shirweynahaa waxa lagu soo doortay guddida Horumarinta ee Beesha Sacad Muuse oo ka kooban (25) xubnood, loona soo igmaday inay ka shaqeeyaan Horumarinta Beesha, iyagoo ka duulaya baahiyaha waxa ka qabashada u baahan ee ay soo jeediyeen ergooyinka shirweynaha ka hadlay iyo Qoddobadii ka soo baxay Shirweynaha.
  3. Baryahan danbe, waxa soo if-baxay in Guddigii Horumarinta Beesha Sacad Muuse loo igmaday ay ku mashquuleen muran Siyaasadeed u dhaxeeya siyaasiyiin beesha ka soo jeeda oo la sheego inay isku hayaan Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ka tartami doona, iyadoo ay jirto in siyaasiyiintaasi ay caddeeyeen in Musharaxa u taagan Madaxtinimada Xisbiga Kulmiye shanta sano ee soo socda uu yahay Madaxweynaha hada xilka haya Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Haddii ay sidaa tahay waxa la yaab leh waxa la isku hayo.

P1030209

Hadaba waxaanu u soo jeedinaynaa Guddiga Horumarinta Beesha Sacad Muuse

  1. In hawlaha siyaasadda ee ay dhex galeen ay Curyaamin doonto hawshii loo igmaday ee Horumarinta ee Beesha oo ay meel fiican marinayaan.
  2. In muranka Siyaasiga ah ee u dhaxeeya siyaasiyiinta Beesha Sacad Muuse ee la xidhiidha Musharaxa Madaxweynaha, aanay u Oolin xallintiisu Guddida Horumarinta Beesha, ee ay u taalo Golaha Dhexe xisbiga Kulmiye, xulashada cidda ay ka dhigayaan musharaxa Madaxweynaha Xisbigooda ka tartamaya.
  3. In ay guddiga Horumarinta Beesha Sacad Muuse ay ku matali karaan Beeshuna ku midaysantahay arrimaha Horumarinta ee loo igmaday. Guddiga Horumarinta waxa la gudboon inay ka fiirsadaan faragalinta Arrimaha Xisbiyada iyo siyaasada kuwaa oo ku keeni kara Beesha Khilaaf. Wa bilaahi Tawfiiq.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here