Ku yar oo Soomaaliyeed oo ku dhashay dunnida Galbeedka ayay hooyadiis dalki dib ugu celisay ,, maalin maalmaha ka mid ah ayey madal shireed koox odayeed gaystay hooyadu wiilkeedi .
Waxaa goobta ka hadlay odayaal dhowr ah oo isaga dambeeyey hadalka qaadashada.,
Waxaa hadalka ku dheeraaday Oday dhaqameedka guud ee koox odayeedka shirka qabsaday ee ay ka tirsan yihiin hooyada iyo wiilkeedu .
Kulan isu imaantinkaas koox odayeed ,Isimki (Oday dhaqameedki ) oo ahaa mid aftahan ah ayaa maanso sidan u dhigan ka jeediyeey goobta .
Maansadu waa tu uu ku amaanaayo dadki hore ee Koox odayeedka uu horjoogaha u yahay amaba odayga ay sheegtaan ee mideeya inta madasha isugu timi iyo inna kaloo maqan .
Waxaa meerisyaddeedi ka mid ahaa tuducyadan hoose .
Gob baan nahay uu gunnimo .
Awoowgood gees ka dhigay .
Abkeen Geeraarshe iyo .
Mid Geel jecel buu ahaa .
Garuun buu qaadan jiray .
Ku Geesiyaba buu ahaa .
Godmiyo Golxob buu lahaa .
Dagaaladda uu galana .
Rag badan buu gowracee.
Iddina guulaystayaal .
Gaddiisa inaad martaan .
Goofkiina illaashataan .
Ayaynu ku gaaro guul .
Kan yari ma ahayn ku in badan kaga hadla fahmana Af Soomaaliga oo odayadu waxay sheegayeen dhagayste aan fahmayn ayuu ahaa .
Kulanki ka dib ayaa kii yaraa oo aan fahmin khudbaddihi halkaas laga jeediyeey ee ay tii oday dhaqameedku u dheerayd ayaa hooyaddiis wayddiiyeey ninkaan dadku u wada jeedeen soo jeedintiisa ee loo dhug lahaa dhawaaqana goobta laga dhowray ee inta badan hadleeyey . waxa uu sheegeeyey .
Hooyadda oo af qalaadeedka wiilkeedu ku hadlo si durugsan u taqaan ,dadka maansadda macaansada oo macnaheeda fahmana ahayd ayaa wiilkeedi u sheegtay inti isimku sheegay oo afkuu fahmaayey ugu macnaysay .
Waxay u sheegtay in odayga hadlaayey Isim la dhaho oo uu hayay hoggaamiye dhaqan oo u taagan astaanta Koox odayeedka , sheegitaankiisuna ahaa in dhaqanka la haysto , koox odayeednimadana (sida Soomaalidu qabiil u taqaan ) sharafteeda la illaaliyo ,
Lagu daydo odayaashi hore ee geesiyaasha ahaa oo Garuunka iyo Goddinta sidan jiray geelana dhaqan jiray oo tolnimadda toolmoonaanteeda naftooda usoo huray .
Yarki ayaa kolka ay halkaas marinayso hooyadiis sheekada la soo booday “Hooyo ninkaas booliisku may qabtaan ” sidaanse annigu ugu dayan waaba qof dadka dili jiraye ,
Inta ay qososhay ayay tiri hooyo waa waayo hore oo booliis ma lahayn Soomaalidu ..kuna sii dartay … Hooyo waa dhaqankeena waxa laga sheekaynaayay ma ahan in aynnu dhaqankeena ka tagno annigu gaallada oo kale ma nihin …waa in aynnu haysano dhaqankeena oo ku dayano dadkeeni hore iyo dhaqankoodi suubanaa .
Kii yaraa oo la anfariirsan sheekada looga sheekeeyey lana yaaban ninkaan dadka ugu baaqaaya in ay dadka kale dilaan ,,ayaa markaana hooyadiis iskaga celiyeey “Hooyo qof dad dilay miyaa dhaqan wanaagsan leh annigu kuma dayanaayo ..annigu in aan qof dilo ma rabo hooyo “
Muxuu dadka in uu dilo ka helaayey …Muyuu walaa hooyo ?
Hooyo isagu dhulkiisa ayuu difaacanaayey waala soo weeraray oo waalaga gardaraa ayay koox odayeednimadda si dibin daabyeysan in ay wiilkeedan dhaqan diidka an in ay ugu qanciso qaadashadeeda dhinac kale ugu du’day warcelinto oo ay ku sheegtay in odayga lagu soo gardarooday isna is difaacay oo sidaas dadka u dilay .
Hooyo goortaad waynaato ayaa garan doontaa dhaqanka ee inna keen aynnu hoteelka aadnee .ayay ku soo af jartay sheekadi hooyadu iyada oo dhaqanka oday dhaqameedku dadka faraayey wiilkeedu in uu qaato doonaysay ayay u rajaysay wiilkeeda yar in uu noqdo kan Oday dhaqameedku la rabo .
Qore-Idiris Axmed Dooxajoog