Shahaadada La Siiyay Cali Reygal Aragnaye, Tolow Haddii Uu Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Dhisi Lahaa Maxaa La Siin Lahaa?- Cali xaraaro

0
39

Wasiirkii hore ee ciyaaraha iyo dhalin yaradu Cali Reygal wuxuu ahaa ninkii fashiliyey ciyaarihii gobolada JSL, wuxuu ka kow ahaa ragii beelaha u kala qaybiyey ciyaar tooygii gobolka Tog-dheer, waana ta keentay dib u dhaca yimi is dhex galkii iyo ciyaarihii gobolada JSL, runtiina waa meelihii uugu horeeya ee laga dareemo hab dhaqanka xuumada Axmed siilaanyo, inuu beeleysi ku salaysan yahay waayo dadka oo dhami waxay sugayeen xil ka qaadis iyo la xisaabtan lagu sameeyo Cali Reygel, hase yeeshii shahaadad abaal marin looga dhigay ayaa shalay la siiyey oo weliba loogu soo dhiibey ururka dhalin yarada ee SONYO.

ciyaartoyHaddii aan intaas ka gudbo, wargeyska la yidhaahdo Al mujtamac ee ka soo baxa dalka Kuweyt ayaa faallo ka qorey xiligii uu socdey dagaalkii u dhaxeeyey ururkii SNM iyo kacaankii uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Bare, gaar ahaana waxay dagaalo ba’ani ka socdeen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco sanadkii 1988 wergeysku wuxuu ku bilaabay faaladiisii, jabhad yar oo la yidhaado SNM, tiradoodana lagu sheegey afar kun oo askari ayaa ku waa bariisatey xafiiskii taliyaha ciidanka milateriga ee gobolada Waqooyiga Somaliya, Maxamed Siciid Moorgan in la qabto ayaanu in yar kaga fakaday, ka dibna wuxuu u duulay Muqdisho oo ah magaalo madaxda dalka Somaliya, dhawr cisho ka dibna waxa Maxamed Siciid Moorgan loo magacaabay wasiir ku xigeenkii wasaarada gaashaan dhiga ee Somaliya, waxaana la sugayey in la xidho oo maxkamad la taago, markaa su’aasha meesha timi ayaa ahayd hadduu is difaaci lahaa maxaa ku dhici lahaa?

hadaba akhriste hadduu Cali Siciid Reygal ciyaaraha iyo dhalin yarada dhisi lahaa maxaa ku dhici lahaa?

Akhristayaasha ayaan u daayay

Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here