Nuxurka Kulan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna G/xisbiga WADDANI Md: Cabdiraxmaan Cirro Iyo Wasiiru Dawlaha Arimaha Debeda Itoobiya Ku Dhexmaray Adis Ababa

0
30

Adis aba (Hubaal) -Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo beryahan safar ku joogay wadanka aynu jaarka nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo uu kaga qayb galay aaskii Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Jabuuti ee totobaadkii hore ku geeriyooday Wadanka Kenya isla markaasna lagu aasay Magaalada Jabuuti.

Guddoomiye Cirro ayaa salaasadii totobaadkan aynu ku jirno safar gaaban ku tagay Magaalada Adiis ee Caasimada Dalka Itoobiya halkaas oo kulan gaar ah la yeeshay Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arimaha Debeda ee Dawlada Itoobiya MR Yinager Dessie, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Afrika ee Wasaaradda Arimaha Debeda Itoobiya iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.

cirro iyo wasiirka itoobiyaKulankaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arimaha Debeda Itoobiya ayaa waxay ka wada hadleen danaha labada wadan ee Somaliland iyo Itoobiya, halkaas oo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu sharaxaad ka bixiyay halka ay marayso diyaar garawga arimaha Diiwaangelinta codbixiyaasha taas oo horseed u ah Doorasahada la filaayo inay ka dhacdo Somaliland sanadkan aynu ku jirno, sidoo kale Guddoomiye Cirro waxa uu iftiimiyay nabadgelyada geeska afriga gaar ahaan Somaliland isaga oo halkaas ka sheegay in Somaliland ay haatan haysato nabadgelyo fiican isla markaasna Doorashooyinka la filayaa ay u dhici doonaan si nabadgelyo, waxaanu hoosta ka xariiqay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada Wadan.

Sidoo kale waxaa isaguna kulankaas ka hadlay Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arimaha Debeda ee Dawlada Itoobiya MR Yinager Dessie oo Guddoomiye Cirro uga mahad celiyay kulanka gaarka ah ee uu la yeeshay, waxaanu DR Yinager dhiniciisa ka war bixiyay saaxiibtinimada dhaw ee ay la leeyihiin Somaliland, taas oo uu sheegay inay xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeyo, isla markas Wasiiru dawluhu waxa uu carabka ku adkeeyay in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan arimaha nabadgelyada madama oo labada Wadan ay xuduud leeyihiin.

Kulankaas laba geesoodka ahaa wuxuu ku dhamaaday waji degen oo labada dhinac si wanaagsan iskula afgarteen waxaayibii ay ka wada hadleen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here