MUWAADIN MA QURBE-JOOG BAA?

0
27

Waxa in dhawayd dalkeena kusoo biiray muwaadiniin cusub oo loogu magacdaray qurba joog,waxa ay kaalin wayn ka ciyaareen innay kaga hormaraan muwaadiniinta daljoog  tartan aan si cadaallada u dhicin kuwaas oo iyagu ku faanaayey dhulkooda hooyo kuna qanacsanaa hiil iyo hooba la garab taagnaa ku dhashay, ku barbaaray kuna dhimanaya.

IMG_0420

Waxa ay tirsanayaan cadaallad daro kaga timid dadka talada haya oo dhiirigaliyey muwaadinin cusub oo hadda muddo aan ka badnayn 20 sano kusoo biiray saaxada muwaadinimada.

Xukuumadeena ayaa dhiirigalin badan ay ka heleen qurbo joogtu iyadoo loo arkayba in qurbo joogtu tahay muwaadiniinta dhabta ah ee dalkani leeyahay lakiin dalal kale ka xoogeen.

Daljoogta ayaa iyaga la iskaba ilaaway oo waxaa loo arkaa innay yihiin dad aan baystayn ku tari karin dalkooda ilaa ay qurbo joog isku badalaan waxaa la ilaabay innay ahaayeen kuwii maalintii dalka laga cararayey cadawga ka dhiciyey  ku gacmo beelay,ku lugo beelay,ku hanti beelay oo aan iskadaa in xaflad balaadhan lagu xuseey aan maalin kaliya mid gaajaysan qado loo qaadin mid xanuusanayana aan la soo bookhan.

Daljoogtu waxa ay tabanayaan in garsooruhu aanu cadaallad u samayn iyaga iyo qurba joogta oo ay qurba joogtu taageero badan ka helayso garsooraha.

Waxa kaliya oo ay daljoogtu ka markhaati kacaan in lagala wareegay muwaadin nimadii oo ay dalkan shisheeye ku yihiin iyagoo iswaydaarsada marka ay ka faaloonayaan halkan laga raacay ay yidhaahdaan oo dalkan oo dhanbaa qurba joogee maxay iskaga keen kala gurgurayaan min madaxwayne ilaa kabalyeeri waa qurbo joog.

Haddana daljoog ma rajo dhigin oo waxa uu naawilayaa in garsooruhu mar uun cadaallada garto oo uu daljoogtu ka sharaf iyo karaamo bataan qurbo joogta oo waxay ku doodayaan oo miyaad aragteen dalalka kale ee innala midka ah xitaa kuwa jaarka daljoogtu iyagaa gaadhiga ugu cad wata, guriga ugu cad ku jira, shaqada ugu fiican haya, nolosha ugu fiicana ku nool.

hadaba ma innagaa muwaadinkii qurbo jooguun ku koobnay mise meel kale ayey wax ka khaldan yihiin. mayee waxba malaha ma khaldana ee sirtu halkay ka qudhuntay waxan u malaynayaa qax, burbur iyo kala yaac innagu dhacay ayaa sababay wax oo dhan.

Daljoogu waxa uu ku doodayaa in sidan haddii lagu sii jiro dalka loogu magac dari doono dalkii qurbo joogta oo daljoogtuna intay cadhoodaan sidii shaydaan la naaray dalalkaa saami qaybsi ay ka day dayan doonaan.

si iyagana hadhaw loo xusuusto oo xaflad ilyartu is qabatay lagu soo dhaweeyo oo la yidhaa muwaadiniin dhaba ayaad tihiin oo dalkiina mansab gaadhsiiyey idinkoo dalal kale marti ku ah.

A.barawni10@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here