Waabaa nin Muuse layidhaah meel baraf xun ka dhacayo ku arkay Mas naftu hayso oo inta uu qabawgii qalajiyay dhaqaaqi kari waayay gurmad iyo wax badbaadiyana u baahan. Muuse inta uu maskii eegay ayuu kanxay, haddana waxa uu xasuustay inuu waa qaniinay Masku, ma-dhaftaa iyo ma-qaadaa ayuu mudo isku qabtay waxaanu go’aansaday inuu badbaadiyo dhaxanta iyo barfkana ka qaado. Waa uu qaaday maskii isaga oo u nasteexaynaya, waxaa uu ku ritay jeebka si uu dhaxanta ugu diiriyo isaga oo aaminay kana filayn inuu waxyeelo ama qaniiyo u gaysan doono.
Saxiibkii oo arkayay ayaa kuyidhi waar miyaad waaltay xageed maskii ku qaniinay u qaadatay ee aad jeebka ugu ridanaysaa. Waxaanu ugu jawaabay iskadaa maanta anuu iibahan yahay oo u malayn mayo inuu marlabaad iqaniin doonee. Saxiibkii ayaa ku yidhi oo miyaadan ogeyn in Masku yahay xayawaan dhiig qabow (Cold Blooded).
Muuse saxiibkii waa iska dhaga mariyay waxaanu ku adkaystay inuu maskii maalintaas badbaadiyo isagoo waliba ku ridanya jeebka. Mudo markii uu socday ayaa maskii ku diirsday jeebkii Muuse dhaxantii iyo barafkiina ka dhalaalay. Waxa uu bilaabay inuu meesha kabaxo kol haddii la-badbaadiyay waxaanu qaniiyo xun uu labeegsday ninkii odeyga ahaa ee jeebka ku sitay waa Muuse.
Saxiibkii u digay oo doorbiday bal inuu kawardoono Muuse iyo Maskii halkay isla mareen ayaa soo raad guray waxaanu arkay Muuse oo taahay sakaraadna hayo. “Sawtaan kuu sheegay inuu Masku yahay balaayo dhiig qabow wax ka gur maantaba wakaa dhulka kuugu tuuraye.
Axmed Maxamed Yusuf
Axmed_yus@hotmail.com