Miyay Jiraan Wasiir Iyo Xildhibaano Soomaali Ah Oo Shalay Lagu Xidhay Nayroobi?

0
38

 

Nairobi, Kenya, April 22, 2014,(Hubaal) – Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dawladda itaalka daran ee Soomaaliya Saalim Caliow Ibrow & Xildhibaan Caadil Sheegow ayaa shalay galinkii hore warar soo baxay sheegeen in ciidamada amaanka Kenya ay xidhxidheen. Islamarkaana ay ku jiraan xabsi ku yaala magaaladda Nairobi ee Caasimadda dalkaas.

Cabdifitaax Xasan Cali, oo ah Xoghayihii hore ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa warkaas hore ee xadhiga masuuliyiinta xaqiijiyay. waxaana uu intaasi ku daray in Wasiirka & Xildhibaanku ay Ciidamada kalla baxeen Hotel ay Nairobi ka degenaayeen. Laakiin, muu sheegin sabab cad oo loo maray xadhiga masuuliyiintan, marka laga reebo tibaaxo muujinayay in Qoyska Wasiirka Xanaanada Xoolaha Saalim Caliyow Ibrow ay si Sharci darro ah ku qaateen Baasaboorka Kenya. Taasina ay keentay xadhiga. Laakiin, Xildhibaan Caadil oo xalay ka hadlay xadhigan ayaa sheegay in aan xabsi la dhigin. “Ciidamadu waa ii yimaadeen. Waxaana aan tusay sharcigaygii. Waanay iga tageen, waana been oo la’ima xidhin” Sidaas ayuu yidhi. In kasta oo uu dhinaca kale, qirtay laftiisu in qaar ka mid ah caruurtiisa xabsiga la dhigay. Sidoo kale, kama uu hadal xadhiga Wasiirka eel ala xidhiidhiyay.

Si kastaba ha ahaatee, hadii warkaan jiritaankiisu cadaado waxaa uu noqonayaa Falkii Labaad ee Ciidamada Kenya ku xidhayaan Mas’uuliyiinta Dawladda Soomaaliya. Iyadoo sidoo kale kumanaan Soomaali ah Xabsiyadda laga buuxiyay kuwo badan oo ka mid ahna loo daadgureeyay Soomaaliya.

Ibrow3

xildhiban caadil sheegoow sagaar

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here