Fal Fool Xun Oo Ka Dhacay Degmada Allaybaday Oo Lagu Khaarjiyay Wiil Yar Oo 13 Jir Ah Iyo Ciidamada Boliska Oo Hal Qof U Xidhay
Allaybaday (BHubaal)- wararka naga soo gaadhaya degmada allaybaday oo ka tirsan gobalka gabilay ayaa sheegaya in wiil yar o 13 jir ah meydkiisa laga helay beer dhexdeed. Warka ayaa intaa ku daraya in wiilkan yar uu xadhig qoorta kaga xidhan yahay loona malaynayo in la dal-dalay, waxaana marxuumkan uu xafaduuda ka maqnaa 3 habeen oo la waayay meeluu jaan iyo cidhib dhigay. Goob jooge ku sagan goobta laga helay meydka wiilkan yar oo la soo xidhiidhay shabakda caalamig ah ee Buushaale News ayaa noo xaqiijiyay dhacdan foosha xun.
goob joogaha ayaa waxaa uu nooga waramay wixii uu indhiihiisa ku soo arkay waxaana uu uu yidhi “walaal magiciisa waxaa la yidhaahdaa Mukhtaar Maxamed Xasan, da’diisuna waxaan ku qiyasay ilaa 13 ilaa15 jir, waxaan ku suganahay goobt uu falku ka dhacay waxaa marxuumaka ka muuqda in dambas la dhex jiid jiiday waxaana qoorta kaga xidhan xadhig dheer waanu daldalan yahay”
Warka ayaa intaa ku daray in ciidamada boolisku ay xabsiga u taxaabeen mid kamid shacabka allaybaday .walina waxaa socota baadhitaankii ay wadaan lamaha amaanka,
source:buushaalenews