Maraykanka Oo Xidhay Safaaraddiisa Jabuuti

0
33

Jabouti(Hubaal) -Dawladda Maraykanka ayaa cabsi darteed u xidhay safaaraddeeda Dalka Jabuuti. Lama faahfaahin cabsida soo wajahday safaaradda Jabuuti.

safaaradaBayaan ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in sababta xidhitaanka safaaradda Maraykanka ee dalka Jabuuti ay tahay tallaabo dib  loogu eegayo amniga safaaradda.

Mas’uuliyiinta safaraadda ayaa sheegay in muwaadiniinta Mareykanka wixii adeeg deg-deg ah ay ka heli doonaan qusuliyada.

Mareykanka ayay ciidamo gaadhaya 4,000 ka joogaan dalka Jabuuti, waana saldhiga Maraykanku ku leeyahay Africa.

Xidhitaanka Safaaradda, ayaa ku soo beegmaya kadib markii dalka Tunisiya shalay lagu weeraray dalxiiseyaal ajanabi ah islamarkaana lagu dilay 17 qof, qaar kalena la qafaashay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here