Madaxweyne, Xirsi iyo Somaliland Waa Iyama…..? W/Q: Samiira Maxamed Da’uud

0
31

In kasta oo siyaasada iyo ka hadalkeeduba ay yihiin wax aan haboonayn, hadana Somaliland Waxa ay ka mid tahay wadamada dunida kuwooda ugu yaryar.

Waxa ka jira Dimuqraadiyad curdin, waxaana ilaa iminka isu bedelay ilaa afar Madaxweyne.

Marka laga yimaado Allah haw u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, labadii Madaxweyne ee Allah haw u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale kaahin waxa ay dalka kala soo dabaasheen marxalado kala duwan.

Madaxweyne Cigaal waxa uu ahaa halyey ku suntan wax wada qaybsiga, waxaana ka sokow beesha uu dhalasho ahaan ka soo jeedo uu xakame isaga dhigay beelaha isaaq.

Waxa uu xil wayn iska saaray beelaha darafyada, waxaanu soo dhisi jiray dawlad aad u wanaagsan oo la wada majeerto.

Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa ku xigeenkii madaxweyne cigaal ayaa noqday madaxweyneha Somaliland, waxaanu bartay cashoradii uu u dhigi jiray rabbi haw u Naxariistee Marxuum Cigaal.

Madaxweyne Rayaale ayaa ahaa hogaamiye tiisa ku socda, waxaanu xil iska saaray beelaha dhexe, halka beeshiisa uu xakame kaga qabtay xilkiisa iyo waliba awoodaha kale.

Sidoo kale beelaha bariga ayuu iyagana soo xero geliyay, waxaanu  siiyay mansabyo sare.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu ku guulaystay doorashadii dhacday 2010-kii waxaanu soo dhisay xukuumad uu ku tilmaamay in ay tahay midi ugu tirada yarayd.

Beelaha Somaliland ayaa markiiba ka qayliyay qaabka uu xukuumada u soo dhisay.

Haba socoto oo dadkuna ha ka samraane, waxa ay noqotay dawladii ugu dulqaadka yarayd, uguna qabyaalada badnayd.

Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland xirsi cali xaaji xasan ayaa isagu awoodo dheeraad ah la soo baxay, waxaana inta badan masuuliyiinta  xilka laga qaadaa ay sheegaan in uu xil ka qaadistooda ka dambeeyo wasiir xirsi.

Hadaba madaxweyne Somaliland iyo xirsi waa iyama?

 

Samiira Maxamed Da’uud

Burco/Somaliland

Samiira1962@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here