Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Ehellada Wadaad Ku Geeriyooday Hargeysa

0
32

Hargeysa (Hubaal) – madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Tacsi u diray qoyska iyo ehelada Marxuum Sheekh Cumar Qowdhan oo ku geeriyooday Hargeysa.

Dhambaalka Tacsida ah ayaa u dhignaa sidan:-

 madaxweyne siilaanyo

Ujeeddo: Tacsi

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland guud ahaanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Sheekh Cumar Qawdhan Muxumed oo ku geeriyooday maanta 04/02/2015 magaalada hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay mujaahid miisaan culus ku dhex leh qaranka somaliland iyo shacbigaba, baal dahab ahna kaga jiray, una hibeeyey wakhtiyadii adkaa ee dalku ka soo gudbay maalkiisa iyo muruqiisaba, door muhiimana ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kalena ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka.

waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here