Madaxweyne Geelle Oo Ooda Ka Roggay Culimo Xabsiga Ku Jirtay Iyo Bulshada Reer Jabuuti Oo Soo Dhaweysay

0
24

Jabuuti (Hubaal) Waxa Maanta Xabsiga Dhexe ee Gabood ee dalka Jabuuti laga sii daayey Saddex Culimo ah oo muddo kusiman laba sano xabsigaas ugu xidhnaa Madaxweyne Geelle iyo xukuumaddiisa.

8.

Culimadan oo kala ah Cabdirahman Good ,Giirre Meydal iyo Sheekh Bashiir ayaa sii deyntoodani ku timid cafis uu u fidiyey Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle

7.

Waxana sii deyntooda kaddib culimadan si baaxad leh u soo dhaweeyay Bulshada Reer Jibuuti oo ay horsocdeen Madaxda Mucaaradka Jabuuti(USN), tirada dadka iskugu soo baxay soo dhaweynta  Culimada ayaa lagu  qiyaasay Boqolaal qof, kuwaas oo isugu jiray bulshada qaybeheeda kala duwan iyadoo dadweynahan oo aad u tiro badnaa  ku hor-sugaayeen Culimadan sabadka hore ee Xabsiga, waxayna dadweynahani culimadaas usii gelbiyeen  dhinaca goob fagaare oo lagula ballamay Bulshada

1. 4.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here