Laamida laga samaynayo Xaafadda Gol-jano ee Hargeysa ayaa jawaab u noqday qorshihii ay Saynab ugu codeynta Doorashada ugu soo baxday bishii December
Bishii December ee sanadkii 2012-ka markii la doortay Goleyaasha Deegaanka cusub ee Somaliland, dadka qaar badan ayaa ka fekerayay sidii ay codkooda siin lahaayeen Goleyaal deegaan oo isbedel iyo horumarin ku sameeya Magaalooyinka waddanka.
Dadka qaarna waxay u ordayeen sidii ay u soo saari lahaayeen Musharixiinta Deegaanka ay ka soo jeeddaan u sharaxan, iyadoo ay ujeedadu ahayd yaan lagaa xildhibaano badan.
Magaalada Hargeysa ee Caasimadda wadanka, oo ay ka sharaxnaayeem Musharixiintii ugu badnaa ee Doorashadaa ka qayb-galay, ayaa ka mid ahayd meelaha ay Bulshadu ugu cabashada badnayd dhinaca adeegyada aasaasiga ah,ee dawladdaha hoose fuliyaan.
Loolanka Doorashadu kumuu eekayn Doorashada Xildhibaan Golaha Deegaanka ku soo baxa, balse inta badan Dadka sharaxnaa mid kastaa wuxuu Taageerayaashiisa ku dhiiri gelinayey inuu Maayir ka noqon doono Hargeysa, kaddibna uu waxqabadkiisa mudnaanta koowaad siin doono.
Codbiyeyaashii 26 June
“waxaan codkayga siinayaa Musharaxa aan isleeyahay waxbuu idiin qabanayaa, oo wadadan rafka ah ee dawladdu waxba ka qaban wayday ayuu dhisayaa”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegtay Haweenay ka mid ahayd Codbixiyayaashii Doorashada Goleyaasha Deegaanka oo Safka kaga irtay maalintii doorashadu dhacaysa xarun laga codeynayay oo ka taalay Dugsiga 26June ee Magaalada Hargeysa.
Haweenaydan oo magaceeda ku sheegtay Saynab, ayaa ka mid ah Bulshada ku dhaqan Xaafadda Gol-jano ee Degmada 26 June oo wali ka aradan hayaanka horumarka waddanka ee adeegyada aasaasiga ah, sida kordhinta goobaha Waxbarashada, Caafimaadka, Saldhigyada Bilayska iyo Waddooyinka.
Dadka ku dhaqan Xaafadda Gol-jano, ayaan sidii dalka loogu soo noqday wax muuqda ka helin dhamaan Adeegyadan oo dhan, balse baahida ugu weyn ee Xaafada ragaadisay waxa ay tahay waddo xumaanta.
“Waar meeshu xaafad maaha, haday dawladdu waxba u qaban wayday, maxay iyagu waddo u dhisan waayeen, waligeed sidaas ayay ahaanaysaa”sidaasi waxa yidhi Axmed oo ka mid ah Dhalinyarada Xaafadan Muddada dheer degenaa.
Xaafadda Gol-jano oo ka mid ah Deegaamada ugu faca weyn Magaalada Hargeysa hore iyo intii dalka lagu soo noqday, dhawr KM –na u jirta faras-magaalaha, ayaan lahayn waddo laami ah oo ay Gaadiidku maraan, waxaanay 23-kii sanadood ee Somaliland jirtay xataa Baska Xaafada loo raaca oo u gudba dhinaca Xero-awr maraa jid Raf ah.
Maxaa soo kordhay?
Maayirka Caasimada Hargeysa, ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Magaalada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa maalintii shalay si lama filaan ah uga jawaabay baahida ugu adage e Xaafadan ka jirta oo ahayd waddo xumada.
Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa shalay si rasmiya u dhagax dhigay Laami la saarayo Dariiqa Xaafadaasi ugu weyn ee dhex mara, kaasoo ah ka uu maro Basku oo meel u dhow Isgoyska Togdheer ka soo leexda.
“Maanta halkani waa akaadamiyada agteedii,waxaanu ka bilaabaynaa wado ku jirta mashruuca JPLJ oo 300 oo kun oo dhaw-dhaw ku kacaysa,wadaasi halkan ayaa laga bilaabayaa waxaana ay ku dhamaanaysaa wadada sheekh madar kasoo baxd ee hawl wadaag ee daami dushiisa,waxaana ay wadadaasi noqon doontaa wado hal-bole ah culayskan ka yaran doonta wada dhexe”ayuu yidhi Maayir Soltelco oo dhagax dhiga Jidkan ka hadlay.
Hadalkan Maayirka ayaa u muuqda mid ka jawaabaya baahi muddo dheer taagnayd oo la gaadhay xiligii dadka looga fal celin lahaa. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa isagoo hadalkiisa sii wata uu baaqa u jeediyey bulshada ku nool xaafada gol-jano isga oo ku booriyey in ay ilaashadaan wadada waxaana uu yidhi “Xaafada Gol-janana waxaan leeyahay waa wadadii koobaad ee aad yeelataan,wadadaas inaad dhaqaalaysaan ayaa loo baahan yahay,si xaafada wadooyin badan looga dhisana waxa la doonayaa inaad cashuurta iska bixisaan taas oo ah cashuurtii dawlada hoose ee idinku waajibtay”.
Muddada lagu dhisayo
dhinac kale Maayirka ayaa mudeeyey xiliga la dhamaystiri doono waddadan saddex bilood oo qudha, waxaanu intaasi ku daray in laga dhisi doono Mashruuca isku xidhka Degmooyinka iyo horumarinta Magaalooyinka ee JPLG-ga . “Wadaadaas waxaanu ku dhamaystiri doonaa mudo saddex bilood ah,waxaana bilaabi doonaa todobaadka soo socda sidaas ayaanan maanta u dhagax dhigay”ayuu yidhi Soltelco.
Bulshada Xaafada
Dadweynaha degen Xaafadan ayaa soo dhaweeyay bilowga Mashruucan, waxaanay ka dhursugayaan maalinta Agabka iyo Alaabta lagu dhisayo la keeno goobta laga bilaabayo, taasoo ay rejo dhawrkooda ku sii sugayaan marka la dhamaystiro.
Dhararta Jidkaasi laami la saaro ee lagu xidho Waddooyinka kale ee Togdheer iyo Xero-awr , waxa bulshada reer Gol-jano u beryaya Waa cusub “waxaan Ilaahay ka rajeynayaa inuu ku guuleeyo Maayirka iyo dawlada hoose hawshan fiican ee ay bilaabeen”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Indheer garadka Bulshada Xaafadan degen.
Dhererka Waddadan ayaa lagu qiyaasayaa 2.5 KM (Laba Kilomitir iyo badh), ama masaafo ku dhadhow, waxaana ka gudubtaa Laagta biyo mareenka ah ee Xaafadaasi.
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office