Maarayn Xumada Iyo Aqoon Darrada Khayraadka Dabiiciga Ah Ee Ay Xukuumada Somaliland Sumcadii Iyo Masiirkii Qaranka Ku Gaadhsiisey Dhaawac Halis Ah.

0
55

HALKAN KA DAALLACO: Warbixin uu soo saaray guddida Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee WADDANI

Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani wuxuu halkan dhaleecayn xoogan ugu soo gudbinayaa xukuumad Somaliland dhaawaca halistaa ee ay gaadhsiisay qaranka.

Hore waxay Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani bulshada Somaliland ugu soo gudbiyeen maqaalo wacyi galin ahaa. Warsaxaafadeed kamid ahaa oo si cilmiyaysan u dhignaa, wuxuusaxaafadda madaxa banaan ku soo baxay taariikhdu markay ahayd 06.04.2014.

Waxaa sidoo kale ay digniino isdaba jooga u ahaayeen xukuumada dalka ka talisaa hadii ay ku sii socoto oo ay si degdeg ah wax uga badali waydo jidkaa ay u qaaday maaraynta khayraadka dabiiciga ah ee qaranka oo maanta bulshada Somaliland ka wada dharagsan tahay.

 musuq

Hadaba markii ay Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddanika dooday, gorfaysay oo waliba dhinacyo badan ka eegtay, sababaha ugu waawayn ee biyo kama dhibcaanka ah ee maanta la soo darsay xukuumada Somaliland ee ah, in dawlada federalka ah ee Soomaaliyaka hadasho oo waliba ugu hanjabto shirkadaha maalgashiga ee shisheeye in ay maamusho oo ay masuul ka tahay bixinta laysanada khayraadka gobolo ka mid ah Somaliland waa:

  • Qorshe la’aan dhinaca caddaalada iyo saami qaybsiga dhamaan deegaanada Somaliland oo aan wax wadatashi ah lagala samayn goloyaasha qaranka iyo waxgaradka/aqoonyahanada Somaliland ee ku takhasusay khayraadka dabiiciga ah iyo maarayntiisa.
  • Shuruucda khayraadka dabiiciga ah ee qaranka oo ilaa maanta aan diyaar ahayn iyadoo waliba xukuumadu afar sanno iyo badh jirsatay.
  • Heshiisyo aan daahfurnayn oo aan waliba golayaasha qaranka laga ansixin oo ay xukuumadu la gashay shirkado shisheeye oo u badan dilaaliin ka faaidaysata sii iibinta saamiyada.
  • Xirfad iyo aqoon la’aan dhinaca khayraadka dabiicga ah marka laga hadlayo waxyeelooyinka ay deegaanka iyo bii’ada ay u keeni karaan soo saarista macdanaha iyo noocyada khayraadka kala duwan ee halista ah.

 khiyaano

Dimiquradiyada somaliland waxay ku taagan tahay sadex dhadhaar oo kala ah:

  1. Cuqaasha
  2. Wax garadkaa
  3. Culimaa udiinka

Waxaaxisbiga Waddani barnaamijkiisa khayraadka dabiiciga ah uga qorsheysan shaqooyinka ka soo baxa khayraadka dabiiciga ah in lagala tashado sadexdaa dhadhaar si loo helo saami qaybsi caddaaladaysan, loogana baxo sadbursiga iyo qaraabo kiilnimada qarankeena dib udhaca wayn u keenay.

 simodi

Waxaa in badan dawlada lagu xamanayey in dhamaan laysanada khayraadka dabiiciga ah ee dawladu Somaliland saxeexday ay ogolaansho siisay dawladu federalka ah ee Soomaaliya, taasi inay xaqiiq tahay waxaa cadayn u ah sababaha ay xukuumadu uga meeraysanayso in la horkeeno golayaasha qaranka ee Somaliland. Hadii ayna arrimahaa waxba ka jirin, waxaa xukuumada Somaliland la gudboon in ay si degdeg ah u horkeento golayaasha qaranka dhamaan heshiisyadii khayraadka dabiiciga ahaa ee ay la gasghay shirkadaha shisheeye, si ay waliba bulshada Somalilandna gudde iyo dibadba uga marrag kacaan.

Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani wuxuu xukuumada Somaliland u soo jeedinayaa, kol hadii ay dawlada federalak ah ee Soomaaliya soo faragalisay khayraadka ku duugan Somaliland in wadahadaladii socday gabbi ahaanba dib loo eego oo lagorfeeyo, iyadoo dhamaan xisbiyada qaranka iyo golayaasha dalku u wadda dhanyihiin.

 

Allaah mahadleh

Xisbiga Waddani

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here