“Maanta Maaha In La Yidhaahdo Caruurta Madaxa Halaga Toogo Oo Taasi Waa Aynu Is Layno.” Suldaan Mawliid Cali

0
28

Hargeysa(Hubaal)-Suldaan Mawliid Cali Sanbayse oo ka mid ah salaadiinta  Somaliland, ayaa go’aankii cuqaasha iyo wasaarada arimaha gudaha ku tilmaamay mid qaladan oo dadka isku dilaaya.

Waxaanu suldaanku u soo jeediyay xukuumadda in go’aankaas laga laabto loona baahan yahay in la qaado talaabooyin kale oo dhalinayrada rabshadaa wada lagu xakameeyo, waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Waxaynu nahay dal jira dastuurna waynu leenahay, dhalinayradu waa cida kaliyaata ee aynu u tabcayno ee u halgamayno, maanta maaha in la yidhaahdo caruurta madaxa halaga toogo oo taasi waa aynu is layno shuruucdana way ka baxsantahay, marka la yidhaahdo dhalinyarada madaxa halaga toogto magna ma laha waxa aan filayaa dadka ayaa la kicinayaa, cida arintaas ku dhawaaqday ha ka noqoto oo dalka yaan fowdo la galin, dadku sharciga ayay ka baqaan ee xabada kama baqaan.”

 SULDAAN SABEYSE

Dhawaan ayay cuqaasha,booliska iyo wasaarada arimaha gudahu go’aan ku gaadheen in aanay mag lahayn dhalinyarada rabashadaha wada ee boolisku uu wax yeelo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here