Hargeysa, (Hubaal) – Wefti heer Wasiir ah oo ka socda dawladda Itoobiya oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Itoobiya Suufi Axmed, ayaa shalay galinkii dambe socdaal shaqo ku yimid Somaliland.
Weftigan ayaa madaarka Hargeysa waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland, waxa xubno ka ahaa Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Wasiirul dawlaha Maaliyadda, Agaasimeyaal guud oo ka socday Hay’adaha horumarinta wadooyinka, tareenadda,korontadda iyo wakaaladda qeybinta shiidaalka.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaalle ayaa sheegay in weftigan culus ee ka socda dalka Itoobiya ay kala hadli doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo wax-wada qabsiga labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
Wasiir Samaalle waxa uu xusay inay weftigan isla faaqidi doonaan sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga labada dal ee ku wajahan dhinacyadda Ganacsiga, Dekadaha, Gaadiidka cirka iyo dhulka iyo wadooyinka.
Waxa isaguna dhankiisa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis kaas oo sheegay inay weftigani dalka u yimaadeen sidii xidhiidhka labadda dal loo xoojin lahaa, isla markaana ganacsiga iyo maalgashiga iskaga kaashan lahaayeen, waxaanu xusay inay iska kaashan doonaan jid Tareen oo isku xidhi doona labada dal, xaga laydhka, wadooyinka iyo arrimo maalgashiga oo labadda dal iska kaashan doonaan.
Sidoo kale, wasiirka Maaliyadda Itoobiya ayaa sheegay inay Somaliland u yimaadeen sidii ay isku kaashan lahaayeen, isla markaana xaga ganacsiga uga wada shaqayn lahaayeen, isagoo amaanay horumarka Somaliland ka jira. “Waxaanu u nimid Somaliland sidii xaga ganacsiga, iyo wada shaqaynta naga dhexeeya u horumarin lahaa, Somaliland waa goob nabad ah oo wax badan aan is waydaarsan karno, waxbadana ka wada shaqayn karno, sidii xaga dhismaha wadooyinka iyo sidii ganacsiga loo xoojin lahaa, waxa kale oo aanu ka wada hadlaynaa sidii waddo Tareen loo samayn lahaa mustaqbalka oo isku xidhi doonta Itoobiya Somaliland, waxaanay Itoobiya doonaysaa sidii ay u isticmaali lahayd Dekadda Berbera ee Somaliland iyo sidii maalgashiga ay ugu samayn lahayd”ayuu yidhi wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo ka hadlaya ujeedadda safarkoodda.
Weftigani mudada ay socdaalka ku joogaan Somaliland, waxay kulamo la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirrada.
Weftigani waa kii ugu cuslaa ee ka socda dawladda Itoobiya ee Booqashadda ku yimaada Somaliland. Itoobiya Iyo Somaliland waxay leeyihiin iskaashi ku wajahan amaanka.
Dhinaca kale, Safiirka dawladda Holland u qaabilsan dalalka Kenya, Soomaaliya/Somaliland iyo Jasiirrada Seychelles, fadhigiisuna yahay magaalada Nairobi Ambassador Joost Reintjes, ayaa shaaciyey in dhismaha jidka isku xidhaya dekedda Berbera iyo waddanka Itoobiya (Berbera Corridor) ee muddo hadalhayntiisu socotay ay dhantahay lacag ku dhow saddex boqol oo Milyan oo Dollar.
Safiirka ayaa bogga uu ku leeyahay Twitter-ka ee internet-ka ku faafiyey, in injineer u dhashay Holland uu iftiimiyey lacagta ku baxay jidka isku xidhaya Dekedda Berbera iyo Itoobiya, isagoo sidoo kale caddeeyey muddada dhismaha mashruucaasi qaadanayo.
“Injineer reer Holland ah (Dutch) ayaa sheegay in lacag dhan €220 milyan oo Euro (lacagta reer Yurub), una dhiganta ($274,582,000 (laba boqol, afar iyo toddobaatan milyan, shan boqol, laba iyo siddeetan kun) oo doollar ku baxayso dhismaha, iyadoo jidkaas lagu dhammaystiri karo ilaa 20 sanno,” ayuu Safiirka Holland ee dalka Kenya ku yidhi qoraalkiisa
Sidoo kale, Ambassador Joost Reintjes oo hore safar shaqo ku yimi Somaliland, ayaa Dekedda Berbera ku tagay kormeer indho-indhayn ah 16 April 2014, isagoo arkay baahida taal ee u muuqata in maalgelin lagu sameeyo si loo ballaadhiyo, loona casriyeeyo, waxaannu xilligaas sheegay in laga shaqayn doono sidii loo dhammaystiri lahaa dhismaha kaabayaasha dhaqaale oo ay ku jirto waddada isku xidha Berbera iyo Itoobiya.
Ta kale, Waxaana jira dalab qabyo ah oo labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya la sheegay inay waddamada Yurub kaga codsadeen taageeradda fullinta mashruucan.
Masuuliyiinta Xubnaha ka ah weftiga Ethiopia ka socda
Hoggaamiyaha weftiga, Sufiyan Axmed oo ah Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqalaha Federaalka Itoobiya. Wasiirka Gaadiidka Dowladda Federaalka Itobiya Mr. Workneh Gebeyehu, Wasiiru Dowle Axmed Shide, Wasiirka Badaha iyo Adeegyadda dowladda Federalka Itobiya Mr. Axmed Tussa, Agaasimaha Guud ee Shirkada Taareenka Qaranka Dr. Getachew Betru, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrikaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Amb. Solomon Abebe. Agaasimaha Iskaashiga laba-geesoodka ah ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Itobiya Mr. Kokeb Misrak, Agaasimaha Adeegayada Sharciga ee Wasaarada maaliyadda iyo horumarinta Dhaqalaha ee Itobiya Mr. Wassihun Abate iyo masuliyin kale oo ka socda hayada korontada iyo hamaha Shidaalka.