LABA DUNIDDA UGU XUN

0
54

LABA DUNIDDA UGU XUN: Xusuustii Iyo Qormooyinkii  (A.H.N) M.M.Kastam

Qoraa sare ayaa yidhi, laba ayaa dunida ugu xun, suxufiga qalinkiisa iibiya iyo haweenayda jidhkeeda iibisa. Maah maah qiimo leh ayaa iyana tidhaahda,haddaanad garanaynin waa masiibo,haddaad garanaysidna waa masiibo laba jibaaran. Maah maahdaan waxa loo adeegsadaa qofka arrin uu jaahil ka yahay faraha la gala iyo qof shay ama wax aan run iyo xaqiiq cad ku dhisnayn doona inuu dadka wax xaq ah ugu suuradeeyo. Iyada oo iimaan-daradu sideedaba aanay wanaagsanayn, haddana waxayna ku wanaagsanayn in hunguri ga kaga dhacdo iimaan darada sharci-yaqaanka iyo si gaar ah suxufiga iyo suugaan yahanka, oo labadoodaba aan ku wanaagsanayn in ay qalin hunguri noqdaan.

Hadraawi oo arrintaa ka hadlay waxa uu yidhi,

Waxaan saylad gelin weeye

Suugaantu iib maha

Eray iyo sunnee maha

Hunguri iyo sitaad maha

Siddi iyo daya maha

Sallid ugu ducee maha

Ku caleemo saar maha

Sullan reer kucay maha

Garro iyo xajiin maha

Laba qaad ku gado maha

Waxaan saylad gelin weeye

Buso saasaheeda weeye

Marka baadi sooc weeye

Sahan iyo tilmaan weeye

Wax ku saabsan meel weeye.

(Hadraawi).

xigasho: mareegta MM.Kastam

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here