“Qorraxdoo godkeedii
La gelaysa fooddaa,
Luguhu i gabeen oon
Socodkii gadaashoo,
Geriyaad dhexdiisaa
Gudcur igu ballaadhoo,
Garan waa kaskaygii
Geesaan u jeedoo…”– Maansada God Madow, Abwaan Maxamed I. Warsame “Hadraawi”
Qof kasta oo bini’aadam ah markuu ka haajiro dhulkiisii hooyo ee uu ku noolaa, una baqoolo waddammo kale oo aanu aqoon ama macluumaad ka haysan Juquraafi ahaan waxaa hela jaah-wareer, waxaana maankiisa iyo maskaxdiisa ka dhexguuxaaya welwel, walbahaar iyo caloolyaw. Waayaha ayaa sida roob mahiigaan ah ku da’aya naftiisa, isla markaana waxa ka dhex guuxaya xadhkaha isku xidhan ee ku teedsan xididdadiisa waraabsha naftiisa oo dhan. Talo way ku ciirtaa, mana oga waxa uu kala kulmayo dhibaato iyo anfac, oo walbahaarkii adduunyada oo dhan ayaa ku habsada.
Waxa qalinku suureeyay duruufaha iyo waayaha adag ee ku xeeran waqti xaadirkan jiilasha dhalinyarada Soomaalida ee ka qulqulaya dalkoodii hooyo, sidaas darteedna, waxaynnu maanta diiradda ku saaraynaa waa maxay waxyaabaha ay ka aaminsan yihiin dhalinyarada Soomaalidu inay ka helayaan qaaradda Yurub, marka ay cagaha dhigtaan? Waxyaabaha ay isku waaniyaan ama isku hanuuniyaan iyo talooyinka qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada Soomaalida u horseeday in ay Saxaaraha halaagga ah ku galaaftaan noloshooda iyo inuu iilkoodu noqdo caloosha libaax-badeedka badda Atlaantiga (Atlantic Ocean), ee u dhexaysa Liibiya iyo qaar badan oo laga yaabo inaad garanayso, maxaa ku kallifay jidka geerida ah?
Xamse waa wiil u dhashay Somaliland, isaga iyo saaxiibkii lacagta kaga baxeen magaalada Hargeysa, waxay ka xadeen hooyooyinkood, halka hablaha Soomaaliduna inta badan ay ku tahriibaan dahab ay hooyooyinkood leeyihiin ama gabadh kale oo saaxiib yihiin ama dariskooda ah ayay ka amaanaystaan, iyaga oo u sheega inay aroos ama xaflad ku tegayaan, i.w.m. Xamse, saaxiibkii iyo koox uu la socdaa waxay Itoobiya ka galeen xadka Wajaale, markaas ayay cagta galiyeen dhibaatadii ugu horraysay, kadib maalmo yar ayay u gudbeen Eritrea, waxay mar walba beegsanayeen jidkii ay Yurub ku gaadhi lahaayeen, laakiin fari kama qodna oo waxa u hadhay jidadkii ugu khatarta badnaa, waxaanay aamisan yihiin oo ay ku qancinayaan naftooda mar walba inay dhawaan heli doonan guusha ay baadi goobka ugu jiraan.
Hase yeeshee Xamse iyo Saaxiibkii waxay silic iyo rafaad ku jiraan magafana muddo haystay, waxaana lagu furtay midkiiba lacag gaadhaysa laba kun iyo shan boqol, total ahaan shan kun, waxay balanbal iyo hoog ku gaadheen caasimadda dalka Liibiya Tropoli, waxa meel walba ka dhacaysa Rasaas oo waxa ka taagan qas, isla markaana Xamse wuxuu galay nolol ka adag, kana qadhaadh tii hore ee gaajada iyo arafaadkii saxaraha.
“Shalay waxaanu la ildarnayn Saxarihii lama degaanka ahaa ee kulaylka, haraadka, gaajada iyo geed aad ku ciirsato lahayn, balse dhibaatadaas duruufahaas adkaa waxa ka sii darnayd markii Liibiya tagnay. Way ololaysaa, Maraykan iyo Yurub ayaa weerar cirka ah ku haya Tropoli, waxaanu iske eegaynaa cabada saqadhaysa oo meel aan ku ciirsano ma hayno, laakiin qof kasta wuxuu mar walba ama saacadkasta uu isleeyahay goorma ayay xabad dawaq ah kugu dhacaysaa.” Erayadaas waxay ka mid ahaayeen sheekadii Xamse na dhexmartay. Hase yeeshee Xamse Illahay ka samatabixi, goor habeen ah ayuu Liibiya ka raacay doon kakab ah, waxaana wada mid ka mid ah Tahriibayaasha ka mid ah oo waqti yar la baray, qof kastaana wadnaha ayuu farta ku hayaa.
Doonta waxa saaran Soomaali, Itoobiyaan Eritea oo waxa la isugu jiraa dumar iyo rag, sida gaadhi raashin lagu rarayo oo kale ayaa dusha la iska wada saaray, mid leh waa maxay waxan ma jirto, qof kastaana wuxuu u dhaqmayaa sida adoon lahaysto ama adoonad haweenay ah. Qof walba illahay ayuu baryayaa, cirku madawaa, baddii iyo cirkii ayaa isu eekaaday, laakiin waxay marba dhinac dhigataba galabtii danbe ayaa biyihii baddu soo galeen doontii yarayd ee kakabka ahayd. Qaylada iyo baroorta ayaa isu-yeedhay qof walba ma dabaal ha yaqaano ama uu aqoon ee biyihii badda iyo mawjadihii dhirbaaxada kuluulaa ayaa la isku wada tuuray.”Waxaan arkayey saaxiibkay oo qaylinaaya, wuuna ku dhintay. Haddana aniga oo dabalanaaya waxa dhinacayga ka qaylinaysay Inan qurux badan oo leh walaal I badbaadiya, waana ka jeestay, lix qof ayaanu kaga badbaanay oo ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa na helay, sidaas ayay Malta nalagu keenay, saaxibkayna uu qaaday Jidkii hooyashada oo uu ku nabad galyeeyay dunida.”
Inkastoo qalin lagu soo koobi Karin dhibaatada uu leeyahay Tahriibku, balse Xamse Talyaaniga ayaa farihii lagaga qaaday, walina ma hayo noloshii uu jidka halaaga ah u soo maray, isla markaana wuxuu Talyaaniga uga sii hayaamay Holland, farihii ayaa laga helay oo Talyaaniga ayaa lagugu celinayaa ayaa lagu yidhi. Haddana carrar Germany, sidoo kale wuxuu dhamaan iskaga gudbay oo uu tagey Yurub hoog ayaa u dhamaaday habeen iyo maalin waa u fikir iyo sidaad yeeshaa. “Waddammada adduunyada iyo Yurub Afarteeda waaxood waan soo maray mid walba waxaan kala kulmay Dhib iyo wax yeello, waxaana qoomayeeyaa noloshii dalkaygii.” Weedhahaas iyo qaar badan ayaa Xamse ka soo burqanaaya, isla markaana dhibaatada ugu xun waxay samayn weyn ku yeelataa hablaha Soomaalida, mid uur ku qaada mid saxaro ku dhasha iyo mid badda ku dhex-sha ayay isugu jiraan oo kuwaasi inta ka badbaada dhimashada waxba kama sukeeyan geerida.
Hamse naxdintu umay yarayn rafaadkana hadalkiisaba daa, nolosha wuu ka quustay.. waxa isagoo socodki ku guda jira ku soo yaacday askar, saaxiibkiis ayaa u sheegay inuu carari doono si aan loo qaban, wuxuuna miciinsaday korida buur dheer oo meel uu uga degayo iyo meel ay gaynayso la aqoonin, balse Hamse Askartii ayaa Germany ku qabtay, waxaana lagu riday xabsi uu ku noolaa mudo , garaaca iyo jidh dilka lagu hayay ayaa ilawsiiyay xasuustii dhacdada naxdinta ah ku reebay naftiisa ee dhimashadii saaxiibadii ee ku leeday saxaraha iyo badda, kolbana ay qaar jidka ku soo aasayeen, ka dib wuxuu ka booday gidaar aad u dheer oo jeelku lahaa, lama arag oo wuxuu cararayay in mudo ah, wuxuuna dhex jeexay beero kaymo ah oo meesha ku yalay, naf ayaa haysay oo meel uu ku ciirsado wuu la yahay maanta.
Waxa uu la warbahaarsan yahay oo meel uu jaan iyo cidhib u dhaqaaqo ama u jarmaado ayuu garan la yahay “Cajab! Xabse oo aad moodo inaanu waa sani u baryin, waxa hadana ugu darsamay naxdin ka dhalatay sharci la’aanta iyo goorma ayaa Malta lagugu celin. Jidkaas raac, haddana jawaabta ayaa ku leh hubin “Maya…Haa”
Xamse qaarkii wuxuu soo galay Netherland oo silic iyo darxumo ayuu ka dhalxay noloshii wacnayd ee uu hiigsanayey, isla markaana marka ay sharcciba waayaan ee ay gidaar kasta hirdiyeen, kana soo go’een farihiina ay gubeen, waxaana dhamaystay dab siday u galinayeen, haddana meel kale ayay u sii tahriibaan, laakiin waxay aaqirka dantu badaa inay haweenay sharci leh guursadaan.
Sidoo kale, dadka tahriibka ku soo galay qaaradda Yurub dhacdooyinka cajiibka ah ee ay ku odhanayaan waxa ka mid ah “Meeday lacagtii la sheegayey, waxaanu moodaynay in meel kasta lacagta doollarku iska taalo, markaa halkee laga helaa lacagta ama loo doontaa. Markii aanu dalka joognay waxaanu is ku odhan jirnay hebel ayaa tahriibay oo reerkooda lacag ayuu u soo diraa ama guri ayuu dhistay…waxayna facebuuga soo dhigaan sawiro ay ku galeen meelo dad leeyahay oo la leeyahay ma tihid muwaadin, anagu waxaanu ku siinay oo kaliya waraaq, markaa xitaa kuwa aan arkay ee baasaboorka leh meeshan nolol kuma haystaan.” Erayadaas iyo qaar kale oo badan ayay ku weydiinayaan, halka qaar 20 sanno joogay sharci la siin oo ku silcaaya yurub, garan lana waxay ku soo noqdaan, isla markaana waxa u dheer barafka ku dayaa ee uu u dib jiray. Xaalka murugsan ma garanay meel uu u baqoolo, waxaase ooga dushiisa ka muuqda darayo, la yaab-se malaha oo duruufta ayaa sidaas baday, wax walbana waxay u dhaceen si ka gedisan sidii uu doonayey isaga iyo saaxiibbadii, laakiin markuu dib u xasuusto gaar ahaan intii ay saaxiibbada ahaayeen waxa ku dhacay ilmo ayaa dhabanada qoysa, siduu u joogana wuu iska qiiroodaa, isla markaana ma hayo meel uu ku laabto iyo jid u furan, wuxuuna nolosha la qaybsadaa murugada iyo qaracanka duruufaha adag ee qodxaha leh, geeri iyo nolol dhexdooda ayuu ka dhalxay amaantii Yurub.
Amal Maxamed Maxamuud Kastan
Email: amalkastam@hotmail.com
Groningen Netherland