Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya
Qaybta 17aad
Abiib Diiriye Nuur (Timacad), Wasiirka Wasaaradda Wershadaha: Waa dhowr iyo lixdan jir dhalasho ahaan ka soo jeeda degaannada Gobolka Gabiley, caanna ka ah gudaha dalka Somaliland, afartii xukuumadood ee talada waddanka u kala dambeeyeyna ka soo qabto xilal sare oo kala duwan.
Waxa uu shaxda siyaasadda markii ugu horreysay u ban-baxay sannadkii 1982-kii oo uu ka mid noqday saraakiishii ciidan iyo madaxdii ugu horreeyey ee ka goostay taliskii xasuuqa ee Maxamed Siyaad Barre, isla markaana curiyey halgankii SNM ee dib-u-xoraynta Somaliland, waqtigaas oo uu isagoo ah Isuduwaha Wasaaraddii Xannaanada Xoolaha dawladdii Soomaaliya ee Gobolka Mudug ka tallaabay magaalada Gaalkacayo oo xafiiskiisu ku yaallay.
Kadib waxa uu isagoo dhallinyaro ah mac la noqday oo uu hawlaha siyaasadda ka bartay saraakiishii millatari iyo siyaasiyiintii hoggaaminayey ururkii SNM ee dalka xoreeyey, tan iyo xilligaasna mar qudha lagama dhex waayin masraxa lagu loollamo.
Waa masuulka keliya ee nasiib u yeeshay inuu xilal wasiirnimo ka soo qabto xukuumadihii marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumadda hadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaannu muddadaas wasiir ka soo noqday wasaaradaha Caafimaadka, Beeraha (laba jeer), Duulista iyo Hawada, Warfaafinta iyo Wershadaha oo uu hadda madax ka yahay, sidoo kalena waxa uu hore u soo qabtay xilka La-taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Arrimaha Siyaasadda ka hor intii aan loo magacaabin wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo laga beddelay badhtamihii sannadkii la soo dhaafay ee 2013.
Dhacdooyinka sida gaarka ah loogu xasuusto muddadii uu wasiirka ka ahaa xukuumadihii Somaliland soo maray, waxa ugu xiiso badnayd dhacdo dad dad badan maskaxdooda ku jirta oo sababtay inuu waqtigii marxuum Cigaal ku waayo xilkii wasiirnimo ee Wasaaradda Beeraha oo uu laba jeer ka soo qabtay, kadib markii wargeyska Jamhuuriya fashiliyey isku-day musuqmaasuq dhicisoobay oo loo bixiyey ‘FADEEXADDII SIGAARKA’ oo isaga iyo wasiir kale kaga qaybgaleen qorshe lagu doonayey in shixnad sigaar ah oo aan cashuurnayn lagu koontarabaaniyo, laguna geliyo dalka Itoobiya sannadkii 1998kii.
Waxa lagu tilmaamaa siyaasi is-yeel-yeel badan oo aan lahayn mowqif siyaasadeed oo meel sugan loogu soo hagaago leh, had iyo jeerna sacabka u tuma maalinba halka uu danihiisa khaaska ah uga dhex muuqato, intii nidaamka asxaabta badan dalka ka shaqaynayeyna waxa uu u kala wareegay KULMIYE oo uu markii ugu horreysay ka biiray, kadibna waxa uu uga sii gudbay xisbigii burburay ee UDUB, markii xukuumaddii Madaxweyne Rayaale talada lagala wareegay, isla markaana iska casilay xilkii wasiirnimo ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada oo ka hayey waxa uu markale dib ugu laabtay xisbul-xaakimka KULMIYE oo uu hore uga danaystay.
Muddada soddonka sannadood iyo dheeraadka ah ee uu hawlaha siyaasadeed faraha kula jiray waxa uu ku caan-baxay inuu masraxa ku metelo siyaasadda aan fagaarayaasha laga hadlin ee loo yaqaan faqa hoose iyo xafiiltanka ciddiyo-ku-dagaallanka aan muuqan ee uu kala hortago cid kastoo ay is-qabtaan iyo weliba isku-liska siyaasiyiinta loollannadu ka dhexeeyaan ee wax kala jiidanaya.
Dadka aadka u dhaliila hab-dhaqankiisa siyaasadeed, ayaa nin aan lahayn han-siyaasadeed oo dhaafsiisan xilka wasiirnimo ee uu mararka badan soo qabtay, siyaasaddiisuna ku dhisan tahay ficiltanka iyo ka-dhex-macaashka isku-dirka iyo kala-dilista ragga loollanku ka dhexeeyo, gaar ahaan siyaasiyiinta ay isku degaanka yihiin ee damaca hoggaamineed leh.
Haseyeeshee, taageerayaashiisa, ayaa u arka siyaasi bislaaday, waayo-arag ah, qayrkiina shaxda siyaasadda ku dhaafay, kartidiisa siyaasadeed iyo taageerada uu shacabkiisa ka haystaana u suurtogalisay in madaxweyne kasta oo xukunka dalka qabtaaba u dhiibo xil wasiirnimo, aragtiyaha dhaliilaana yihiin qaar ka xun guulaha siyaasiga ah ee uu gaadhay.
Markii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegay waxa uu u magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda, waxana isagoo xilkaa haya xabsiga loo taxaabay 6 December ee sannadkii 2011kii, kadib markii ay soo baxeen tuhunno ku xidhiidhiyey inuu lug ku lahaa fal koox dablay ah oo haybtooda la aqoonsan dhowr qof oo isku qoys ah oo iyagoo hurda saqdhexe lagu laayey degaanka Seemaal oo u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Dila, inkastoo maalmo kadib la sii daayey, haddana waxa sida la sheegay illaa hadda falkaas foosha xun u xidhan wiil uu dhalay.
Muddada uu ku jiray xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa uu si weyn uga dhex muuqdaa hurinta khilaafyo soo noqnoqday oo illaa maanta ka dhex oogan xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxaannu safka hore kaga jiraa siyaasiyiinta soo allifa murannada joogtada noqday ee markasta ka dhex qarxa gudaha xisbul-xaakimka iyo xukuumadda, sida la sheegayna waxa uu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan ee loo adeegsado dagaalka aan kala-joogsiga lahayn ee ku jihaysan hoggaanka sare ee KULMIYE, gaar ahaan guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ay isku degaan soo jeedaan.
Inkastoo uu 23-kii sannadood ee Jamhuuriyadda Somaliland jirtay wasaarado muhiim ah wasiir ka soo noqday, haddana xog-baadhisaha falanqayntan looguma hayo waxqabad si gaar ah taariikhda ugu suntan oo uu ku soo kordhiyey adeegyada horumarineed ee wasaaradaha uu xilalka kala duwan ka soo qabtay.
Waxa lagu xantaa nin markasta oo xil dawladeed laga qaado u xuub-siibta dagaal-oognimo colaad ka dhex abuura shacabka raaska beesha uu ka dhashay iyo beelaha kale ee dariska la ah, si markale loo magacaabo, marka uu wasiir noqdana aan dib ugu noqon dadka degaankiisa oo loo aaneeyo inuu taageeradooda kelidii ku macaasho, balse ka nastaan dhibaato-abuurkiisii iyo dagaalkii dhiiggu ku daadanayey ee uu gelin jiray. Sidoo kale, waxa lagu eedeeyaa shaqsi ku caan-baxay inuu dhaqaale ka dhex raadiyo munaafaqadda iyo kala fogaynta ragga aragtiyaha siyaasadeed isku qabta, kana mid yahay ragga gacanta ugu weyn ku leh curinta khilaafyada iyo murannada ragaadiyey xisbul-xaakimka KULMIYE ee uu raarta ugu jiro dhowrkii sanno ee la soo dhaafay. La soco wasiirka xiga…..
Xigasho: Jamhuuriye