
Qalinkii: Garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi
Salaan Dabadeed halkan waxaan tallooyin uga soo jeedinayaa Saddexda Xisbi Qaran, waxaanan leeyahay “Inay lacagtay xafladaha ku qabanayaan ugu badalaan booyado biyo ah, dadka abaartu hayso”. Abaarta & Roobkaba ka keenaa Waa Alle Subxaanahu Watacaalaa, hadaynu ilaahay uga mahad_celino Nimcaayinkuu inagu galaday, Waxa hubaala in alle inoo siyaadiyo Nimcooyinkiisa, Haddii aynu Ka mahad-celin waynana waxa la hubaa in Naxariista alle inagu yaraato. Hadaba Roobka Oo yaraada waxa sabab u ah:- Mac-sida Oo Badata. Una kala baxda noocyadan hoos ku qoran.
- Sinada,
- Beenta,
- Mar-khaati Beenaalaha,
- Markhaatiga Oo La Furi Waayo,
- Ribada,
- Laaluushka,
- Xanta,
- Isku dirka,
- Dulmiga,
- Dhaca,
- Khiyaamada,
- Bixin La’aanta Sakada,
- Salaad La’aanta &
- Isku Xukun la’aanta Kitaabka Alle,
Haddaba markay intaasi dhacdo, maxaynu ilaahay ka filanaynaa?. Waxaynu filanaa waa Ciqaab alle Oo inagu habsada, Ilaahayna wuxuu Quraankisa inoogu sheegay, Inay tahay wax aynu Gacmaheena ku shaqaysanay, Waliba sidaasuu intii badnayd alle inaga dhaafay. Halkaynu maanta marayno, & Sidaynu xumaantii oo dhan u xalaashanay, waxay ahayd in alle Roob daayoo uu Samada Dhag-xan inagaga soo daadiyo. Laakin Naxariista alle oo Badan & Bahaa’imta darteed ayuu alle inoogu jeer dhaafay. Umadda Nabi Maxamed (SCW) wuxuu ilaahay ku sifeeyay kuna sheegay Quraankiisa, inay tahay Umadihii alle abuuray tii ugu khayrka badnayd. Taasooy ku mutay-satay saddex shardi oo kala ah:-
- Wanaaga Oo Aynu Is Farno,
- Xumaha Oo Aynu Iska Reebno &
- Ilaahay Oo Aynu Rumayno.
Sidaa darteed waa in aynu wanaaga is farno, xumahana iska reebnaa, si aynu u noqono kuwo ku sifooba saddexdaa sifo ee alle sheegay. Ugu danbayntii, waxaan ugu baaqayaa xukuumadda, saddexda xisbi qaran iyo Ganacsatada in Ay u gurmadaan Dadkaa Abaartu halakaysay. Waxaan si gaara ula sii hadlayaa nimanka u cumaamadan inay Dalka & Dadka xukumaan, Codkana ka doonaya, waar Lacagtaad Xafladaha ku qabanaysaan, ilaah baan idinku dhaariyee booyado biyo ah ugu badala dadkiinaa Abaartu hayso ee dar-xumaysan. Ilaahayaw Adigaa Qaadira Oo qafuura, raxiimee Adoomadaada U Soo Naxariiso, Oo raxmadaada U Shub yaaa allaah.
Wabilaahi taw-fiiq
Qalinkii: Garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi
Hargeysa, Somaliland
























