Ifafaale: Gabay Ku Habboon Xaaladda Hadda Dalku Ku Jiro. Waxa Tiriyey Qoraageena Weyn Ee  Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed

0
38

hawdawdIfafaalahaa muuqda iyo maanta waxa taagan
Geeddiga maroorka u socdiyo marin habawgayga
Markaan mayl dhaqaaqaba haddana dib u majiirkayga
Citiraafka moorada ku xidhan maalmo tiriskayga
Dayradhaafka soo mudhuxsadiyo maro la’aantayda
Muska cadawga ii taagan iyo muranka hoostayda
Magacyada la ii bixinayiyo qolo ku meermeerka
Iyadoo madluun wada ahayd meel u ka la qaadka
Muusannawga maangaabka iyo Habar Magaadaynta
Gocashada midhkii beri horiyo madal Xabuusheedka
Reer Bariga i ga maagayiyo macangagnaantayda
Midnimada wax i ga maanaciyo mawqif xumadayda
Cidihii mataanaha ahaa ka la maqnaantooda
Qabiil baad ku meel gaadhi iyo mala’awaalkayga

Dal dhan maamulkiisii xigtiyo niman ku maamuuska
Sida halihi reer Maxamed-Yare xero u meegaarka
Hadhuubgaalka meeshoo mugdiya gooni u gu maalka
Maatada markaan la hadlayana hadal macaankayga
Anigoo muraadsaday misana ii mashxaradkooda
Gaajaday la wada miiqan tahay silic maryaadkeeda
Afartii tukee macasha cunay mahadnaq sheeggooda
Muudmuudsi niman dhawr ah iyo midhaha dhaameelka
Musuqmaasuq aan la la xishoon qudhun muquurkayga
Wariyaha midkii meel xun daya miige sudhiddayda

Maalin iyo habeen waan ordaa maaxna maan tegine
Boqollaal muftaax baan hayaa mana furaan meele
Markaan madax wareeraan cunaa laba mijiinoode
Maankaygi qaad baa la tegay maalna i ga saarye
Kun jeer baan in aan mayd noqdiyo mooday aakhiro’e
Allaa ii miciinaye naftii meel xun baan dhigaye
Haddaan Eebbe maantana i bixin mooyi taladayda

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here