“Hargeysa Meelina Janno Noqon Kari Mayso, Meelna Meel Lagu Oomman Yahay Noqon Kari Mayso”-Wasiirka Warfaafinta oo Shaaciyey in biyo ballaadhinta Hargeysa si caddaalad ah loo maamulayo
Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in aanay xilligan wax dhibaato ah ka taagnayn mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa, isla markaanna si caddaalad ah loo maamulayo biyaha degaanka Xumbo-weyne ee waqooyiga Hargeysa.
Wasiir Cukus oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in tiro dheeraad ah lagu daray guddi hore Madaxweyne Siilaanyo ugu saaray maamulka biyaha degaanka Xumbo-weyne, iyadoo xubnaha dheeraadka ah ee lagu daray kala yihiin; Wasiirka Warfaafinta oo afhayeenka guddida ah, Wasiirka Caddaaladda, Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga, Wasiir-ku-xigeenka Amniga, Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo xildhibaan Nacnac, waxana guddidaas hore ugu jiray Wasiirka Khaarajiga Md. Maxamed Biixi Yoonis oo guddidaas guddoomiye u ah, Maayirka Hargeysa iyo xubno kale oo dawladda ka xilal ka haya.
“Arrinta biyaha ee degaanka Xumbo-weyne uu hadalku ka taagan yahay oo maanta shaydaanu ka faa’iidaystay ninkii uu biyaha Xumba-wayne calooshiisa shaydaanku si xun u galiyayoow shaydaanka iska naar waa Ramadaane. Arrintu maaha arrin qabyaaladeed, maaha qabiil biyo gacanta cid ugu haya iyo qabiil biyo loo diidayo. Dawladda ayaa gacanta ku haysa dadkeeduna wuu u siman yahay qof kasta oo muwaaddin ah oo miyi jooga oo magaalo jooga waxaannu jecel nahay inuu halkiisa uu biyo ku helo,” ayuu yidhi Cabdillaahi Cukuse.
Waxa kaloo uu sheegay in magaalada Hargeysa qaybin aanay janno biyo lagaga dhergo noqon doonin, meelna aan lagu harraadin, waxaannu yidhi; “Inkastoo haddaba baahidii weli taal, inkasta oo ay meel walba ka taagan tahay magaalooyinka waaweynna qaarkood ka jirto. Maanta mushkiladda taagan ee bishan Ramadaan innagaga soo hagaagtay ee hadalkeedu taagan yahay ee shaydaankii la xidh-xidhay inoo soo raacay waa biyaha Hargeysa iyo ballaadhin tooda, gaar ahaanna qaybtii bariga magaalada, Hargeysa biyaha waa laysku tuhmaa. Waxa la yidhaahdaa meel baa cabta, meelna ma cabto. Warkaas waxba kama jiraan Magaaladu waa ay oomantahay inteeda badan biyo ma hesho. Awoodda biyaha aynu hayno ee fidineed ee gaadhsiinteeda ayaa xadidan. Maaha arrin farsamo, maaha arrin ku tala gala ama cid go’aansatay ama cid kale lagu xumaynayo oo cid lagu wanaajinayo. Taas waa aynu soommanahay ee yaannu shaydaanku inoo soo dhex raacin. Waa isku mid nafteennu magaalada aynnu joogno gabigeenuba waxaynnu joognaa 20km oo isku wareega, Hargeysa meelina janno noqon kari mayso, meelna meel lagu oomman yahay noqon kari mayso.”
Wasiirka ayaa sidoo kale ka faahfaahin ka bixiyey tirada ceelasha dalka laga qoday muddadii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo talada dalka haysay, waxaannu yidhi; “Waxa Ilaahay ina waafajiyey in uu safar ugu baxo Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt ujeeddada safarkaasina ay gabi ahaanba ahayd in uu dalkan iyo dadkan u biyo u baadi doono meeshii uu uga soo heli karyana uu tago, gaar ahaana dalalka caalamka Carabta ee Khaliijka. Waa la soo helay badh intii la qorsheeyey, waxna waa ay dhiman yihiin oo weli waa la baadi doonaa. Waad ogtihiin xukuumadan talada dalka haysa markii ay talada dalka la qabatay waxa dalka ka qodnaa oo qudha 70 ceel. Safarkaa Madaxweynaha iyo intii ka dambaysay waxa la qoday 48 ceel, markaa 20 sanno waxa aynu ku qodanay 70 ceel intaa maanta labadaa sannadoodna waxaynnu ku qodanay 48 ceel markaa qiyaastaas waad garan kartaa inta baahi iyo culays ay yarayn karto,” ayuu yidhi Cabdillaahi Cukuse. Waxa kaloo uu xusay in aanay biyo yaraantii ka jirtay magaalada Hargeysa ahayn mid cid lagu xumaynayey ama sida oo kale cid lagu wanaajinayey, balse ay ahayd arrin farsamo, isagoo carrabka ku dhuftay Hargeysa dhawaan si siman looga wada cabbi doono.
“Waxay ila tahay in aanay magaaladeennu is-tuhmin ee waa ay jirtaa baahiduye aynu dawladda ku gacan qabanno sida baahidaas loo daboolayo ee wax looga qabanayo dhinaca bariga amma galbeedka magaalada, woqoyigeeda iyo koonfur galbeed. Waxa la filayaa in biyihii EU-da (Midowga Yurub) oo imminka haatan gacan-saarideedii maraya oo baraago cusub oo laga qodi doono Isha Boorama iyo xaafadda Calaamadaha ayaa fidintaas qayb wayn ka qaadan doona, waxana la filayaa in Biyo-shiinuhu kordhaan 90% oo ay wax ku kordhin doonaan,” ayuu yidhi Wasiirku.