HUBAAL TV: “Toddoba Bilood Ayaanu Aroor kasta ku Noqnoqonaynay Maxkamada,Oo Aanu Lahayn Kiiskayaga Na Sii, Markaanu ka Quusanay In Kiis Lanoo Keeno, wargeyskiina Xidhan yahay Ayaanu Iskaga Qanacnay, Oo Iska Daynay Markaanu Daalnay” Caloolay

0
28

Ma Ogtahay Cali Samatarow, Dawladaadan In Dameer U Xidhan Yahay” Abwaan Cabdi Qays baa laga hayay markuu jeelka la galay dameer ay soo xidhay xukuumadii Illaahay tawfiiqda weydaariyay

Waxa haatan laga joogaa muddo Toddoba bilood iyo jar-jar markii ay xukuumadu albaabada u laabtay wargeyskii madaxbannaanaa ee Hubaal iyada oo aanay jirin ama aanay maxkamadu u keenin dacwada lagu haysto ee lagu soo eedeeyay wargeyska

Runtii arrintan ayaa noqotay mid ka yaabisay masuuliyiinta wargeyska kuwaas oo mudadaa toddobada bilood ah hor taagnaa maxkamada si ay u helaan kiiska wargeyskooda, markay ka quusteena ay keentay inay iska qancaan isla markaana meheradoodii dhameyd ee ay fikirka iyo dhaqaalaha badan geliyeen ay cidlada ka joogaan bilaa sabab.

Taasina waxay ku tusaysaa dulmi iyo tacadi sida aynu ognahay aan hore uga dhicin dalka xataa hadii ay tahay Xukuumaddii keli taliska ahayd ee Jaale Siyaad Barre

Tani waxa ay noqonaysaa mid baalka xusuusta u galaysa xukuumadda Siilaanyo oo uu wakhtigu wax reebi doono loona wada joogi doono

“Dalkani wuxuu ka dhintay maamul-daadajintii, oo haday islaamo isqabsadaan ilaa qoyska madaxweynaha la soo ogeysiiyo aanay wax kala furdaaminayaa  jirin, oo janankii dalka iyo arrimihii guduhuba awood malaha oo waxay ka amar qaataan qoyska madaxtooyada, waxaad arkaysaa wasiir, wasiir kale ka amr qaadanaya, waxa ka dhacday xafiis, xafiis kale saaran, xeer ilaalina ma jirto, oo waxay noqotay xukuumad ilaalin”caloolay

Abwaan Cabdi Qays baa laga hayay barigii ay jeelka dhigtay xukuumaddii Afweyne ee uu la kulmay Dameerkii isna jeelka ku jiray mudada 12-ka sannadood, in isagoo habeen gurigiisa fadhiya oo tixdii Darmaan iyo Dalxiis qoraya u soo galay ra’isal wasaarihii dalka oo ahaa Cali Samatar

Waxa uu ku yidhi markuu la hadlaayay “waar dawladaadan aad raysal wasaaraha ka tahay Dameer baa u xidhan”

5

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here