“Yusra, anigu hooyadaa baan ahay… Aad iyo aad ayaan kuu jeclahay… Fadlan dib u soo laabo gurigeenna”ayey ku calaacashay hooyaddii dhashay inantan ee loo malaynayo inay Suuriya u dagaal tagtay
Bristol (Horweyn-Hubaal)-Hooyo Safiya Xuseen oo wayday inan ay dhashay oo 15 jir ah ayaa walaac xoogan ka qabta inay ilmaheedaasi u baxsaday dalka Suuriya si ay uga qaybgashay dagaaladda ka jira dalkaasi.
Hooyadan oo ilmaynaysa ayaa warbaahinta u marisay inanteedda inay u timaaddo, iyadoo ka codsatay inay u timaaado, haseyeeshee qaraabadda inantan yar ee la waayey ayaa dhaliilay sida warbaahinta Ingiriisku wax uga qoreen intaasi oo ay sheegeen inay u gacan haadiyeen kooxo xag jir ah.