Hargeysa (Hubaal)- Ururka Bulshada iyo Adeegga Daryeelka Xayawaanka ee magaciisa loo soo gaabiyo SAWS, ayaa hudheelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa ugu qabatay shalay dadka ku shaqaysta dameeraha kulan lagaga hadlayo daryeelka iyo tacadiyada ku dhaca xayawaankaas.
Kulankaas waxa ka qaybgalay xildhibaanno ka kala tirsan Golaha Guurtida, Golaha Degaanka Hargeya, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, qaar ka mid ah dadka dameeraha ku shaqaysta iyo madaxda ururka SAWS, waxana lagu falanqeeyey tacadiyada ugu badan ee ku dhaca xayawaankan iyo sida looga hortagi karo.
Agaasimaha Fulinta Ururka SAWS (Social & Animal Welfare Service) Dr. Cali Xasan Xirsi, ayaa sheegay in ujeeddada ururkoodu kulankan u qabtay tahay, kadib markay arkeen dhibaatada baaxada leh ee haysata dameeraha oo culayska ugu badan lagu qaado, markuu hawlgab noqdana suuqa lagu sii daayo oo aannu daryeel helin.
Dr. Xirsi waxa uu xusay in dadka ku shaqaysta dameeraha yihiin dad danyar ah oo u baahan in la garab qabto, waxaannu tilmaamay inay kulankan ka soo bixi doonaan aqoon ay ku daryeelaan xayawaankan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, ayaa si weyn u soo dhoweeyey shirkaas oo uu sheegay inuu yahay mid muhiimad fiican u leh bulshada iyo xayawaanka laga munaafacaadsado, isagoo ballanqaaday in wasaarad ahaan ay si weyn ula shaqayn doonaan dadka ku shaqaysta xayawaanka, caafimaad ahaanna ilaalin doonaan.
Sidoo kale, waxa uu ugu baaqay shacabka xayawaankan ku shaqaysta inay daryeelaan, ilaaliyaanan caafimaadkooda.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay xubno ka mid ah Golayaasha Degaanka Hargeysa iyo Guurtida oo sheegay in si gaar ah ula socon doonaan ilaalinta iyo daryeelka xayawaankaas, tallaabana laga qaadi doono dadka si ku-talogal ah ugu tacadiyada.