Hargeysa (Hubaal)- Beesha Yoonis Adaraxmaan Muuse Oo Kamid Ah Beelo-weynta Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) ayaa maanta magaaladda Hargeysa ku Caleemo saaray Caaqil Cusub oo ay yeelan doonto beeshaasi.
Caaqilkan Cusub oo buuxin doona jagadii uu banneeyey suldaan Cawil Fiiqle oo ka hor suldaannimadiisa cumaammadaasi hayay ayaa Caaqil Faysal Cali Dheere oo noqon doona caaqilka beeshaasi .
Munaasibadi lagu caleemo saaray caaqilka ayaa ka dhacday hotel dalxiis ee magaalada hargaysa taas oo ay ka soo qeyb galeen suldaanka guud ee beelaha danwadaago suldaan cawil maxamed fiiqle iyo caaqilka cusub faysal cali dheere iyo cuqaal kale.
Haddaba Halkan ka daawo Sawirrada Madashaasi lagu Caleemo saaray Caaqilka Cusub