HUBAAL KA AKHRISO: Dadweynaha Reer Berbera oo Wehel U Noqday Hanfiga Kulaylka + Biyo La’aan jirta Soonka bisha Barakaysan Ee Ramadaan

0
27

Berbera (Hubaal)-  Biyo la’aan xooggan ayaa ka taagan magaalada dekedda ah ee Berbera oo xilligan la baaxaa degaysa kulaylka xaggaaga, iyadoo arrintaasina saamayn ku yeelatay dadweynaha ku dhaqan magaaladaas oo xilligan soomman.

Sida uu ku soo warramay weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Saaxil, magaalada Berbera ayaa muddooyinkii u dambeeyey laga dareemay biyo la’aan weyn oo aan weli hore u gaadhin halka ay maanta marayso, iyadoo baahida keliya ee dadweynuhu xilligan dareemayaan tahay dhinaca biyaha, maadaama kulaylka xaggaagu meel sare marayo, laguna jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Berbera

Wakaaladda Biyaha ee magaalada Berbera, ayaa lagu tilmaamay inay tahay hay’adda ugu hawsha yar dhinaca biyo soo-saarka, ceelasha biyuhuna aad ugu dhaw yihiin, taasoo sababta in marka mishiinnadu waqti kooban shidnaadaan lagu buuxiyo berkadda iyo kaydka biyaha oo dadka ku filnaada, waxaanay shacabku isweydiinayaan sababta keentay in dadku ka harraadan yihiin biyaha soo-saarkoodu sidaa u fudud yahay.

“Qofka ku nool magaalada Berbera saacad qudha kama maarmi karo biyo, waxaanad arkaysaa dadka jilicsan ee awoodi waayey inay magaalada ka xagaa-baxaan oo kaaryoonyaal iyo jirakaanno la wareegaya cadeedda iyo dabaysha kulul ee hanfiga ah oo xilligan oo kale ka dhaca magaalooyinka xeebaha, lamana qiyaasi karo dhibaatooyinka arrintaasi leedahay qof arkay mooyaane,” ayuu weriyuhu ku yidhi warbixintiisa.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Berbera Mr. Cabdiraxmaan Cartan Geeddi oo weriyuhu isku dayey inuu wax ka weydiiyo sababta keentay biyo la’aanta xilligan xaggaaga kulaylka lagu jiro, ayaa ka gaabsaday inuu arrintaas ka hadlo, isagoo ku dooday inay ku hawlan yihiin sidii magaalada biyo loogu heli lahaa, balse aanay wax waraysi ah diyaar u ahayn.

Haseyeeshee, wararka qaar ayaa tibaaxay in sababaha biyo yaraanka ku keentay dadweynuhu la xidhiidho heshiish dhexmaray Maareeye Geeddi iyo maxjarrada xoolaha ee ku yaal Berbera, heshiiskaas oo dhigaya in biyaha loo leexiyo dhinaca maxjarrada waqtiga xooluhu ku jiraan, iyadoo taasina sababtay in biyihii dadweynuhu heli jireen aad u yaraadaan ama meeshaba ka baxaan xaggaagan lagu jiro bisha Ramadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Md. Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa mar uu dhawaan kormeer ku tagay xarunta Wakaaladda Biyaha ee Berbera, ayaa ammaanay maareeyaha wakaaladda ku shaqada uu hayo iyo waxqabad uu muujiyey, isagoo guddoomiyuhu muddadaas kadib aan markale ka hadal biyo la’aanta haleeshay dadweynaha xilligan.

Dhinaca kale, xildhibaannada Golaha Degaanka Berbera, gaar ahaan kuwa dhinaca arrimaha bulshada u xilsaaran, ayaa la sheegay in aanay iyaguna kaba war-qabin xaaladda biyo la’aaneed ee ka jirta magaalada xeebta ah, iyadoo ilaa muddadii golaha la doortay biyo la’aantu ku soo noqnoqotay Berbera, kuwaasoo aan maalin qudha ka hadal arrintaas.

Waqtiyadii hore waxa Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu ku macneeyey biyo la’aanta jirta inay sabab u yihiin laba mishiin oo ka xumaaday iyo ceelasha biyaha oo roobabkii gu’gu waxyeelo u gaysteen, balse hadda, arrimahaas waxa loo helay dawo oo hay’ad dalka Jarmalka laga leeyahay, kana hawlgasha Gobolka Saaxil, ayaa hore mishiin ugu deeqday wakaaladda, isagoo xilliganna maareeyuhu biyo yaraanta ku sifeeyey in tirada dadku aad u kordhayso, biyuhuna aanay wax korodh ah samayn.

Biyo la’aanta baahsan ee waqtigan kulaylka iyo soonka bisha Ramadaan la kawsatay Berbera ayaan ahayn mid cusub, laakiin waa arrin muddooyinkii u dambeeyey soo noqonotay, mana jiraan cid ka gaashaamatay sidii wax looga qaban lahaa, iyadoo ay suurtogal tahay in mustaqbalka dhaw magaaladaas looga qaxo biyo la’aan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here