“…Garan-mayno sababta keentay sii dayntayada…Mida kale ma jirto wax cafis oo aannu dalbanay ee annaga arrintayadu waxay maraysay …”.
Hargeysa (Hubaal)- Masuuliyiinta wargeyska Haatuf ayaa xorriyadooda dib loogu soo celiyey kadib markii Madaxweynaha Somaliland uu cafis uga fidiyey xadhig dhawr sanno ah oo hore maxkamadda Gobolka Hargeysa ugu riday.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Siilaanyo cafiyey Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha wargeyska Haatuf, isla markaana xukuumad ahaanu aannu mabda’doodu ahayn inay cabudhiyaan saxaafadda.
“Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Gaboobe waa la sii daayey oo Madaxweynaha ayaa cafiyey, mabda’yagana maaha in aannu saxaafadda cabudhinno ee idinkuna (saxaafadda) ha na cabudhinina, waxaannu jecelnahay in aannu saxaafadda si wanaagsan ulla shaqayno. Idinka qudhadiinnu si masuuliyadi ku jirto oo xishood leh in haddii aad wax sheegaysaan war sugan u sheegtaan,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi oo warbaahinta kula hadlayey madaarka diyaaradaha Hargeysa shalay.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha sii dayntiisa, isagoo cafiska Madaxweynaha ku tilmaamay mid aannu waxba kala socon iyo inuu isagu dalbaday toona.
“Waxaan bulshadda sharafta leh ee ka dhiidhiday caddaalad-darrada iyo dulmiga lagu hayo warbaahinta iyo xorriyatul-qawlka u sheegayaa inaannu annagu hawshayadii halkii ka sii wadi doono oo waxaasaa nalagu sameeyey iyo waxaasaa dhacay anigu halka iminka kaga hadlimaayo, laakiin waxaan doonayaa uun inaan idiin sheego in arrinta ugu muhiimsani tahay wixii aannu u soo halgamaynay ee aannu xadhig iyo dhibaatoba u galnay waxay ahayd inaanu xaqiijino uun madaxbannaanida saxaafadda,” ayuu yidhi Mr. Gaboobe.
Yuusuf Cabdi Gaboobe oo barxadda hore ee jeelka Gabiley kula hadlay xubno suxufiyiin ah fiidkii shalay, waxa uu ku adkaystay inuu halkii ka sii wadi doono difaaca xoriyatul-qawlka, isagoo xusay inay lagama maarmaan tahay in la dabbaqo xeerka Somaliland ee dhaqangalka ah oo aanay ka warwareegin xukuumadda iyo garsoorku.