HUBAAL Ka Akhri: Xasuuqa Daanta Galbeed Oo Horseeday In Hoggaamiye Muslim Ahi Dib U Soo Celiyo Hadiyad Ay Yuhuuddo Guddoonsiisay 10 Sanno Ka Hor+DAAWO SAWIRRADA

0
33

HUBAAL Ka Akhri: Hoggaamiyaha Xukuumadda Istanbul Oo Yuhuudda Washington Dib Ugu Celiyey Hadiyad Ay Hore U Siiyeen

 

Ankara (Hubaal/W-wararka)- Raysal-wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyey in uu dib u celin doono abaal-marin sanadkii 2004 uu guddoonsiiyey urur ay leeyihiin bulshada Yuhuudda ah ee dalka Maraykanka ku dhaqan, sida lagu baahiyey Wakaaladda Wararka ee AP.

Warkan ay qortay ama faafisay Wakaaladda wararka AP, ayaa sheegaya in sababta Erdogan uu sidaas u yeelayaa ay tahay kaddib markii ururkii horay abaal-marintaas u siiyey ay ka codsadeen in uu dib usoo celiyo iyagoo ka caraysan qaabka uu uga hadlay duulaanka Israel ee Qaza.

Warqad safiirka Turkiga u fadhiya Washington oo ku hadlaya afka Ra’iisul Wasaare  Erdogan uu u diray  Jack Rosen oo ah Madaxa Ururka Yuhuudda Maraykanka, Warqaddaas oo ay Saxaafaddu Nuqul ka mid ah heshay maanta oo Taloodo ah, ayay ku qornayd farriin cad oo u dhignayd sidan:-

“Falalka ay Isra’el ka waddo Qaza iyo go’aanka aan munaasibka ahayn ee ay Yuhuudda Maraykanku arrintaas ka qaateen dartood, Erdogan wuxuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo celiyo abaal-marinta.”

Toddobaadkii hore, waxaa Jack Rosen  oo Warbaahinta la hadlay uu Ra’iisul-wasaaraha Turkiga ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiyaha ugu xun hoggaamiyeyaasha dunida, gaar ahaan kuwooda neceb Isra’el.

188880_newsdetail

erdoganAbaal-marinta Erdogan uu dib u celinayo waxaa la siiyey 2004, wuxuuna ku muteystay kaalinta uu ka qaatay nabadeynta iyo xasillooni ka dhalinta Bariga Dhexe iyo weliba sida uu isaga xil- saaray dhawrista Muwaaddiniinta Turkiga ah ee asalkoodu uu Yuhuudda yahay.

Laga soo bilaabo markii uu bilowday duullaanka culus ee xasuuqa ah ee Israel ka waddo  magaalada Qaza saddex toddobaad ka hor, waxaa geeriyoodey 1,156 (Kun boqol iyo konton iyo lix qof) oo Maslimiinta Falastiin ee Qasa ka tirsanaa, kuwaasoo u badan Carruur, Dumar iyo Dad Waayeel ah, iyadoo tirada dhaawacuna ay illaa iyo hadda marayso in ka badan 6500 (lix kun iyo shan boqol) oo qof, waxaanu Raysal-wasaaraha Turkigu sheegay inaan loo dul-qaadan karin xasuuqa ay Yuhuuddu ku hayso Muslimiinta Qasa ee aan hubaysnayn

obama-erdogan-meeting-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here