“Hadday Nagu Kellifto Waxaannu U Gudbin Doonnaa Sirdoonka Inay Qofkaa Noo Soo Baadhaan..” Taliyaha Socdaalka Somaliland
Hargeysa (Hubaal)- Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sarre Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed-Cambarro), ayaa faahfaahin ka bixiyey waxa keenay caqabado iyo culays ay dadka u doonta Laanta Socdaalka Baasaabboorka cusub ee Somaliland sheegeen inay halkaas kala kulmaan, waxaanu qiray in muddadii lagu heli jiray Baasaabboorkii hore ee la beddelay mid ka badan lagu heli karo E-Passabort-ka bishii hore qaadashadiisu bilaabantay.
Haddaba, Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf oo arrimahaas ka hadlaya, kana jawaabaya su’aalo muhiim ah oo ay Weriyeyaashu weydiiyeen-ba waxaannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal ahaan ee si aad u daawato guji sawirkan hoose.