Horjoogihii Fallaagada Buuraha Gashay Ee Suld. WABAR Oo 150 Habeen Oo  Uu Duurka Caal-waa Ugu Jiray Ka Dib Xaqiiqadu U Run-sheegtay, Isuna Soo Dhiibay Ciidamada Qaranka

0
42

“…..Tiradayadu 75 Ayay Ahayd, Aniguna Abaan-duule Ayaan U Ahaa,  “Qorshayagu Waxa Uu Ahaa In Aanu Dawladda Qabsano Oo  Aanu Waddanka Oo U Sareyno,Laakiin Kolkii 5 Bilood  Arrinku Marayo Ayaan Idhi …..”-Maxamed Cali Caynaan

AKHRISO+DAAWO VIDEO-ga: Horjoogihii Fallaagada Buuraha Gashay Ee Suld. WABAR Oo 150 Habeen Oo  Uu Duurka Caal-waa Ugu Jiray Ka Dib Xaqiiqadu U Run-sheegtay, Isuna Soo Dhiibay Ciidamada Qaranka

Hargeysa (Hubaal)- Horjoogihii  Fallaagada Nabad-diidka Ah ee Suldaanka Buuraha Galbeedka Somaliland Galay   iyo koox la socotay oo hubkoodii sita, ayaa Isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka Somaliland ee Gobolka Awdal, waxaanay Xubnahaasi Isa soo dhiibay ka warameen Xaaladdo nolol Xumo ii mudadii 5 bilood aheyd ee ay Duurku ku jireen soo waajahay iyo Riyooyin Khiyaali ah oo Suldaan Wabar Duugka intii ay ku jireen ugu sheekeyn jiray inay dalka qabsan doonaan.

Taliyihii Kooxda Maliyeeshiyaadka Suldaanka Falaagoobay ee Wabar Qalday Maxamed Cali Caynaan iyo 14-xubnood ee Maliyeeshiyaadkaasi ka tirsanaa oo mudo 5 bilood ah duurka ku jiray, ayaa isku soo dhiibay Xiidanka Qaranka Somaliland ee Gobolka Awdal, waxaana  sheekeeyey Qisaayin dhibaato badan oo kooxdaasi Duurka ay mudada ku jireen kala kulmeen iyo waxa ku kalifay inay fikirkoodii bedelaan  kana soo goostaan kooxdaasi, iyada oo soo xerogelinta xubnahan meleeliyaadka ah ay ka warbixiyey , Badhasaabka Magaala madaxda Awdal ee Boorama iyo Taliye Ku Xigeenka Taliye Ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Bileyska Somaliland Sareeye Guuto C/raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) iyo Sarkaal kale oo Ciidanka Bileyska ka tirsan.

Maxamed Cali Caynaan  oo ah taliyihii kooxda Suldaan Wabar ee Ciidanka qaranka Somaliland ee gobolka Awdal isa soo dhiibay oo qisiyoon tiiraanyo leh oo ku qabsaday mudadii 5-ta Bilood aheyd ee uu duurka ku jiray waxa uu yidhi “Adigu Tiradayadu 75 ayey aheyd oo marka Taliyaha Ciidanka ayaan ahaa oo halka abaanduule ayaanka ahaa ,marka kolkii arinku 5 bilood maraayo waxaan idhi wax soconaaya maaha oo arinkiina guntii ayaan ka gaadhay aniga oo ah Maxamed Cali Caynaan waxaan idhi meesha aad 5 Bilood joogtay ee wax suurto gelayaa joogin in aan dawladeyda iyo dadkeyga ku soo noqdo ayey ila noqotay waananu u nimid oo sidaasi aanu u soo galay qoryahayagiina waanu sidanaa intii dambena waanu ku noqoneynaa waanu soo gureynaa , waxaanuse leenahay intii dambena waanu soo hoyneynaa ee ha naqaremeyso Xukuumaddu”

Mr Caynaan waxa  uu intaasi ku daray  “Qorshayagu waxa uu ahaa in aanu dawladda qabsano oo in aanu burburino waddanka oo u sareyno ayey aheyd oo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ayaa la kala dhig dhigtay meesha marka Wabar ayaa meesha haysta oo ninba koox ayuu leeyahay awoodooduna way iska leedataa oo Rasaas  ma heystaan oo waxba ma haystaan, aniguna waxaan ka soo noqday dee dalkeyga in la burburiyo maaha oo ubadka iyo Maatida iyo Caruurta iyo ka aan ordi kareynba oo marka aynu intan iska burburino waxa dambe waxba inoo noqonmeyso inta kalena iska soo hoyda oo dalkiina ku soo noqda ayaan leeyahay anagana si fiican ayaa lay soo dhaweeyey oo dawladdu ii qaabishay”

Taliyahan kooxda Suldan Wabar ee isa soo dhiibay waxaa isaga oo ka hadlaayey uu ka soo goostay “Maleeshayadu ilaa 75 ayey ahaayeen 3 way dhinteed midna Mas ayaa cunay intii aanu Dhexda soo yaacaynay oo Xaafadihii ayuu Jiifa, saddexna imika ayaanu halkan ku socona, meeshana lacag ayaa taala oo Qad iyo Xoolo ayuumbay ku cunaan ee wax kale kuma qabsadaan, waxana haboon wixii loo baahdo in umadda walaalahaga ah ee ku la dhashay aad tiraahdo waxaasi ayaan u baahanay oo sidaanu u soo noqonay oo kale ay u soo noqdaan kuwa kalena”

Sarkaal ka tirsan  Ciidanka Qaranka ee Gobolka Awdal oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaynu baryahan dambey maqleynay Koox maleeshiyaad ah oo ay abaabuleen Suldaan Abibakar Cilmi Wabar iyo Cabdi Buur oo Magaaladda Boorame   maayar hore  ka ahaan jiray, ninkaasi hada idiin muuqda ee ina la jooga maanta waxa uu Taliye ka ahaa Jabhadaasi isla markaana xidhiidh badan iyo wada hadal badan oo na dhex maray awgeed waxa Ilaahay guuleeyey in aanu nimankii Is afgarano oo isku soo dhawaano oo aanu ku qancino xaqiiqada oo ay Walaalahayo soo noqdaan ,waxaanan rajeynaynaa inay maalmo dhaw meesha ka baxaan waxyaabaha yar yare e meesha soo galay , waxaanan rajeynaynaa inay nimankaasi maqafkan na la qaatay ee nagu soo wareejiyey Hubkoodii inay dawladu naga la wareegto oo abaalmarin iyo dhiirigelin iyo wixii loo geli karoba gacanta laga geliyo oo qarameyso anagana aad naga la wareegtaan xilkii iyo masuliyadii aanu mudada dheer ka soo shaqeynaynay”

Taliye Ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Bileyska Somaliland Sareeye Guuto C/raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle)  oo isna shirkaasi Jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi “Horta umaddani waa umad isku dan ah oo isku aragti ah oo waynu ogeyn oo hawla yar yar oo shaqaaqo ay ayaa gobolka ka bilaabmay imikana mudo markii laga shaqeynaayey ee wixii meesha yaalay lays fahansiiyey inay gurigoodii ku soo noqdeen oo anagu ka ciidan ahaan oo tliyahayagii Qeybta barigu uu ka shaqeeyey uu raga ka shaqeeyey hawshan ah aad ayaanu ugu mahad naqeynaa , iyagana waxaanu leenahay ku soo dhawaada dalkiina wixii baahi iyo wixii jira waanu idinla eegaynaa, runtiina wixii anaga kaalin ahaan nagaga beegma ciidanka Bileyska iyo wasaaraddayada arimaha guddaha in aanu kaalintayada ka soo baxayno”

Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Awdal Loosoo Magacabay Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax)  oo ugu dambeyntii halkaasi ka hadlay ayaa amaan u jeediyey Ciidanka  bileyska ee arintaasi ka hawlgalay una balanqaaday inay wixii suurta gal ah la qaban doonaan kooxdaasi isa soo dhiibtay “Waxaan u mahadnaqayaa Ciidamadda nabadgelyadda khaasatan booliska iyo dhamaan ciidamada nabadgelyadda  , waxaanan soo dhaweynayaa Maxamed Cali Caynaan, iyo taliyaha ciidanka bariga ,runtii saaka (shalay) roobka ayaa waliba na xayiray oo iyaga oo qoryahoodii iyo hubkoodiiba gaashaaman na la jooga hada, aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa iyaga iyo kuwa kaleba  oo ilaa 14 Kooxdaasi ka tirsan ayaa , koleyna waanu fulineynaa in wax la la qabto oo dalwadduna runtii ay kaalinteeda ka soo baxdo in dib u dejin iyo Qarameyn xubnahan wax aliyaala wixii karaankayaga ah waanu u dadaaleyna oo sameynaynaa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here