Hargeysa(Hubaal) Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa maanta dib-u-dhigay shirkii Golaha Dhexe, kaasoo mudadii loogu talagalay oo bil ahayd, maantana ku beegnayd ku qabsoomi waayey, kadib markii uu dheeraaday Khilaafka Xisbigu.
kulmiyKulan saaka ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo isugu yeedhay hogaanka ayuu kaga dalbaday in dib oloo dhigo shirka Golaha Dhexe maadaama wakhtigiisii maanta ku dhacayo, hase yeeshee Guddoomiye Muuse Biixi ayaa diiday, waxaanu Madaxweynaha ku celiyey inaan dib loo dhigayn illaa labadoodu si shakhsi ah uga Heshiiyaan khilaafka u dhaxeeya.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa isla goobtii Xubnaha kale ee Hogaanka Amar ku siiyey inay imika soo saaraan go’aanka dib-u-dhigista, kuwaasoo markiiba Qalinka ku duugay in illaa bisha Sideedaad shanteeda dib loo dhigay.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxweyne Siilaanyo isla goobta ugu sheegay in uu Istiqaalad usoo qorayo xisbisgana iska casilayo, hase yeeshee ilaa hada wax jawaab ahi kamay soo bixin, waxaanay Madaxtooyaddu sugaysaa dhawaaqiisa in uu ka dhabeeyo.
Qoraal war-gelin ah oo uu ku saxeexan yahay Xogahayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo uu ku sheegay in hogaanka intooda badnayd aqbashay soojeedinta Madaxweynaha ee dib-u-dhigista shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga ayaa war-baahinta la soo gaadhsiiyey waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
Ku: Dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe
Og: Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye
Og: Madaxweynaha JSL
Ujeeddo:- War-gelin
Shir uu isugu yeedhay maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/06/2014 Madaxweynaha JSL Xubnaha Hogaanka Xisbiga, kagana codsaday in shirkii Golaha Dhexe ee mudadiisu ku eekayd maanta oo ah 24/06/2014 dib loo dhigo muddada lagu jiro bisha Ramadaan.
Sidaas darteed, Xubnaha hogaanka oo ku joogay intooda badan (Majority) waxay ka aqbaleen Madaxweynaha codsigaa isaga ah.
Waxaanay go’aamiyeen in shirka dib loogu dhigo illaa inta lagu guddo jiro bisha Ramadaan, lana qaban doono 05/08/2014
Allaa Mahad Leh
Xasan Siciid Yuusuf
Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye