HEESAHA IYO MUYUUSIGGU MA XAARAANBAA MISE WAA XALAAL – XOG-WARRAN IYO XAAB-QAAD. Qalinkii: Guuleed M. Yasin (Dalxa)

0
90

XOG-WARRANKA KOOWAAD

sheekh guuleed dalhaBismillaah, wassalatu wassalamu cala Rasuulillah. Waxa magaalada Hargeysa maalmihii ugu danbeeyay laysla dhexmarayay suaal ah heesaha iyo muyuusiggu ma xalaal baa mise waa xaaraan, taas oo laga soo dheegtay Qoraaga Sh Maxamed Cabdi Daauud qormooyin taxane ah oo ku soo bandhigay qaybo ka tirsan wargeysyada magaalada. Kolayba hadal araar ma waayo, markaa waxa iga araar ah: 1. Waxaynu inta badan si toos ah u abaari doonaa falka marka laga yimaado meelo ay ka fursan weydo. 2. Waxaynu bixin doonaa dhammaan ilaha ama maraajiicda si khilaafku u yaraado loona raadsado. 3. Qaybta labaad oo layidhaahdo ‘Xaabqaad’ waxaan keeni doonaa xogaha sugan(nusuusta) ee Nebiggu SCW ku diiday Heesaha iyo Muyuusigga; iyo Muslimiinta oo isku raacday(IJMAACYO badan) xaarantimaynta heesaha, muyuusigga iyo iibinta qalabka lagu tumo.

Ugu horeyn, sheekhu wuxuu ku bilaabay Xadiithka sheegaya in Nebiggu SCW Mucaad Binu Jabal u diray Yaman kadibna ku yidhi, “Maxaad yeeli doontaa haddii garsoor lagu weydiiyo.” Mucaad baa ku jawaaabay, “Kitaabka Illaahay baan ka eegi doonaa.”Rasuulkii baa  ku celiyay oo ku yidhi ; “Haddaad ka weydo kitaabka Ilaahayna maxaad yeeli doontaa?” Mucaad baa yidh; “Sunaha nabiga ayaan ka baadhi”. Rasuulka ayaa , haddana ku celiyay oo yidhi; “Haddaad sunnaha Nebiga ka weydana?” Mucaad baa yidhi; “Waan dadaali doonaa oo waxba la hadhi maayo si aan xaqa u helo”. Deedna Rasuulka ayaa  ka mabsuuday jawaabihiisii oo yidh: “Ilaaha ergayga rasuulka waafajiyay wuxuu rabay rasuulku … Ilaahaas ayay mahadi u sugnaatay”.garsoor lagu weydiiyo?” Mucaad baa ku jawaabay; “Kitaabka Ilaahay baan ka eegi” ,waa xadiith ay wariyeen Tarmiidi, Abii Daauud iyo xufaad kale. Tarmidii wuxuu yidhi, “ Waa xadiith aanan garanayn waana xadiith kala go’an(Munqadic) dhinacayga anigga.”  Imaamkii dhinaca xadiithka ugu yaqaanay Muslimiinta Bukhari wuxuu yidhi, “ Xaarith Binu Camar oo ku jira silsiladda ragga isdaba taxan lama yaqaano, xadiithkuna ma aha mid sugan.”

Si kale haddaan u dhigo, xadiithkan ugu horeeya ee uu daliishaday sheekhu waa xadiith daciif ka hooseeya darajo ahaan (Munkar) ah sida uu sheegay Bukhari (Maxamed Binu Ismaaciil)  laba sababood ayuu u daciifay. Waa tan koowaaddee, Xaarith Binu Camar lama garanayo(majhuul) isaggoo sidoo kale la kaliyoobay xadiithka oo aan lahaynin wax u markhaati kaca. Bukhaari wuxuu tan labaad ku tilmaamay, kala go’a u dhaxeeya Xaarith iyo Macaad oo uu Tarmiidi iyo Albanina ay sidaa sheegayaan. Mid saddexaad oo aqoonyahanada ku talax tagay cilmigga xadiithku sheegaan ayaa jirta; waana Xaarith Binu Camar oo xadiithka ka qaatay asxaabta Mucaad. Asxaabta Mucaad lama garanayo(majhuuliin). Sidaas awgeed, waxa laysla yaqaanaa haddii xadiithka ragga midba midka kale ka qaatay xadiith silsiddaa laga helo qaar aan la garanayn, in xadiithku daciif yahay.

Imaamka weyn ee  ku jiray raaca hore ee ilaalinta, alufidda iyo abla’ablaynta axaadiithta sugan iyo kuwa been abuurka ah Ibnul Jawzii oo isagu kitaabdhan ka qoray axaadiithta aan Nebigga SCW ka sugmin ka alifay, muxuu ka yidhi? Wuxuu yidhi, “Waa xadiith Daciif ah xataa hadday fuqahadu soo daliishadaan.”

(Dheegasho: Dahabi; Miisaanka 175/2    Bukhari; Taariikh assaqiir 304/1    Xaafid Binu Xajar oo la yidhaahdo waxa lagu soo gabagabeeyay xufaadda; Attahdiib 474/1    Ibnul Jawzii; Al Cilal 758/2). F.G. Kaliya waxaan soo qaatay 4 aqoonyahan oo xadiith yaqaan ah. Laakiin waxaan baadhistayda kusoo helay 21 kale oo la cilmiya oo ay ku jiraan raggii Salafkii ugu cilmiga badnaa, oo dhammaan xadiithka wada daciifinaya; haddii loo baahdona waa diyaar, miiskaan soo saari doonaa.

Marka laga yimaaddo dhammaan cadaymaha muujinaya inuu xadiithkaasi daciif  yahay(MUNKAR), waxa la yaab leh in sheekhiisa Cali Binu Xazam Alle ha u naxariistee oo ahaa unkaha dhidhibadda u taagay madhabka shanaad , ‘Daahirigga’ uu xadiithkan uu Sh Maxamed ku furfurtay daciifiyay. (Dheegasho; Addaciifa 273/2)

XOG-WARRANKA LABAAD

Sheekh Maxamed Cabdi Daauud waxa kale oo uu amaan kala duldhacay mid kamid ah dadkii ugu indhaha caddaa ee toos u beeniyay(daciifiyay) axaadiith Nebigga SCW kaga soo aroortay dariiqooyin sugan( 10 xadiith in ku dhaw oo Bukhaari iyo Muslim ku jira); isla markaana sugay warar(aathaar) aan ka sugnayn Salafkii wanaagsanaa( Salaf Assalix), isaggoo aan haba yaraatee wax caddayn ah u haysan. Sheekhaas waxa la odhan jiray Sheekh Maxamed Al-Qasaali. Mar gaar ah ayaan kaga hadli doonaa maqaal, inshAllah.

Taa badalkeeda, waxa uu Sh Maxamed Cabdi daadifeeyay, meeshana ka saaray cusboonaysiyihii diinta qarnigii 11aad ee Hijrigga( Mujadidkii); waa Sheekhul Islaam Al Mujadid Maxamed Binu Cabdi Wahhab). Waxa Nebigga SCW ka sugan xadiith (Xasan) ah oo aan filayo inuu ku sugnaa Musnadka Axmed in Illaahay 100 kii sannoba ummadan u soo saarayo cid diinteeda u cusboonaysiisa.  Sheekhaas, waxyaabuhu ku saxsanaa iyo waxyaabuhu garabmarsanaaba marbaan yana, dul istaagi doonaa, InshAllah. Haddaad odhan lahayd magacaas muu soo qaadin Sheekhu, si dadban ayuu u soo qaaday ee gororey ha noqon; si fudud ayaa loo fahmi karaa weerarka Ingriisku sheekha ku qaaday oo aan biyo ismarin inuu Qoraaguna ula tagay. Xasuusnow, in Ingriisku u bixiyay Culimadaa isu taagtay in ILLAAHAY kaligii la caabudo; shirkiggana laga fogaado iyo Awliyadana loo duceeyo,‘The Wahhabs.’

XOG-WARRANKA SADDEXAAD

Xadiithka 5aad oo ah: “Xadiiska shanaad, waxaa laga soo weriyay Abii Maalik Al-Ashcariyi in uu Nabiga ka maqlay isaga oo leh: Qaar ka mid ah ummaddayda ayaa cabi doona khamriga, oo u bixin doona magac kale, oo iyaga ayaa lagu dul-tumi doona heeso iyo muusig, oo dhulka ayaa lala goyn doonaa. Waxa ku jira ayuu yidhi, “Mucaawiye Binu Saalix oo daciif ah.”

Xadiithkaas waa xadiith ka sugan Nebigga SCW (saxeex). Sababta ugu weyn ee uu daciifiyay xadiithka Ibnu Xazam waa ninkaas Mucaawiye Binu Saalix. Waxaan leenahay Mucaawiye Binu Saalix waa nin runloow ah oo xadiithkiisa la daliishado dhammaan xufaadda xadiithkuna ay u qirsanyihiin.( Faahfaahin: Mucaawiye Binu Saalix waa nin Reer Shaam ah Undulusna ka tagay  oo runlaw ah waxaana xadiithka ka qaatay rag Ibnu Xazam ka yaqaanay xadiithka kana horeeyay xaga quruunta uu Nebiggu fadilay kana aqoon badnaa; waanay xujeysteen. Raggaas waxa ka mid ahaa: Sufyan Athawrii, Leyth Binu Sacad, Waaqid iyo rag badan oo kale.

Haddaad intaas wax ku qaadan weydo Sh Maxamadow, bal maxay ka yidhaahdeen dhakhaatiirtii ku takhasustay caafimaadka(sixada) axaadiithta iyo ragga axaadiithta weriyay?. Dhakhtarkii Muslimiintu u qirtay halka uu ka gaadhay Cilmigaas waa Yaxye Binu Maciin. Cuthman Addayalisi wuxuu yidhi, “ Yaxye wuxuu yidhi waa nin lagu kalsoon yahay oo runloow ah Mucaawiye Binu Saalix(thiqa ah).

Axmed Binu Xanbal( Imaamu Ehlu Sunna Wal Jamaaca) wuxuu yidhi, “ Wuxuu ahaa nin runloow ah oo lagu kalsoonyahay.”

Imaamu Nasaaii wuxuu leeyahay, “ Waa lagu kalsoonyahay.”

Abuu Zurca, “ Waa xadiith yaqaan lagu kalsoonyahay.”

Ugu danbeyn, xadiithkaasi waa mid ka sugan Nebigga CSW. Waxaa taa ka sii daran in xadiithku leeyahay markhaatiyo badan( shawaahid) ku timaada Dabarani, Ibnu Casaakir iyo weliba Bukhari taariikhdiisa iyo qaar kale oo aanan xasuusnayn.

Sh Maxamed haddana wuxuu soo raray: Xadiiska sideedaad, waa mid aan waddaba loo hayn oo taxanihiisu (Sanadkiisu) aanu jirinba. Xadadiiskaas bilaa Sanadka ahi waxa uu leeyahay; Rasuulkaa inoo diiday laba dhawaaq oo la nacdalay; waana cododka ta heesta iyo ta baroorata”.

Waxaan leeyahay xadiithkaasii waa mid sugan oo aan indhaha laysku marin karin. Laakiin hal mushkilad oo haysata Sh Maxamed ayaa ah, ku dayasho indha la’aan ah waayo , halkuu Ibnu Xazam taagnaa maanta wax badan oo aanu haysan oo kutub ah ayaad si fudud u helikartaa. Sh Maxamed isagga oo aan markhaati (shawaahid iyo mutaabacaat) ba u baadhin ayuu soo rarayaa; taasina waa khiyaano diineed.

Xadiithku wuxuu ku yimaadaa: Musnadka Bazaar;  795/377/1 markaas waa wadadda Abii Caasim( Addaxaak Binu Mukhalad) Rubaaciyaadka; 188/22/2    Axaadith al Mukhtaara; 2200/188/6. Waxaynu leenahay dhammaan ragga ku jira taxanaha( sanadka) xadiithku waa lagu kalsoon yahay sida uu sheegay Al Mundarii 177/4 waxa ku raacay Sh Maxamed sheekhaagii Ashcariga ahaa ee xadiith yaqaanka ahaa Alle ha u naxariistee Al Haythamii 13/3. Waxaad odhan kartaa Shabiib waa nin la isku haysto inuu nin culus yahay oo la qaato iyo in kale; waa runtaa, laakiin waxaan ku leeyahay: 1. Xaafidku wuxuu u janjeedhaa in uu ninkaasi runlow yahay in kasta oo uu gafo. Ta kasii daran, waa in xadiithku helay nin mutaabaceeya Illaahaybaana ku mahadsan. Waxa isna mutaabaceeyay nin culus oo aan dood aqbalin; waa Ciisaa Binu Dahmaan oo ku jira ragga uu Bukhaari ka qaato axaadiithta, xujeystana.

Taas waxa ka sii daran, inuu xadiithkan leeyahay markhaati (shaahid)waana xadiithka uu werinayo Jaabir Binu Cabdillahi ee ku yimaada: Shucabka Beyhaqii; 69/4   Baqawii Sharxu Sunaha; 431-430/5   Dayaalasii Musnadkiisa 1683  Ibnu Sacad; Dabaqaat 138/1   Ibnu Abii Shaybah; Musannaf   393/3. Imaamu Tarmiidi isaguna wuxuu ku keenaa 1005.

Isku soo wada xooriyoo, waxa uu keenay Sheekh Maxamed Cabdi sheekhiisii  Imaamu Ibnu Xazam(Alle ha u naxariistee) oo daciifiyay xadiithka Bukhaari kuna tilmaamay inuu yahay Mucallaq( Xadiithka uu weriyuhu qariyo cida u warantay oo uu u tiiriyo cidda kaa  ka saraysa)waa xadiith kala go’an. Laakiin, ogow waxa uu xadiithka noocan ahi leeyahay saddexe weji sida uu Xaafidku ku sheego Nuzhatu Annadar; 145.

Ka jawaabidda xadiithkaas wuxuu yeelanayaa dhawr weji. Wejigga koowaad:Ummadda Muslimiintu( Ehlu Sunna Wal Jamaaca) waxay isku raacday in BUKHAARIGGA uu yahay kitaabka labaad ee ku soo xigga Quraanka Kariimka ah, iyo in axaadiithtooda duuduub loo qaato( Midhe Barde Duuduub Baa Loo Liqaa).Haddii lagu yidhaahdo xadiithkaasi Bukhaari buu ku jiraa oo ay kuu cadaato, oo aad warwareegto, far baa kugu godan caqiidadaada.

Wejigga labaad

Waxa marag ma doon ah in Mucalaqa Bukhaari la aqbalo, kaba sii daran ee hadii uu ku imaado siiqada loo yaqaan majzuumka. Xadiithkuna sidaas ayuu ku yimi. Laakiin waxa yaableh in Bukhaari Culimadiisa uu kamid ahaa Hishaam Binu Cammaar. Xadiithkan wuxuu Bukhaari ka qaatay Hishaam. Hishaamna Sadaqah ayuu ka qaatay. Bal eeg Sh Maxamadow Bukhaari kitaabkiisa Cabdidda; 5590/51/10, fadlin milicso Fatxul Baarigga.

Wejigga saddexaad

Anigga oo ka duulaya qaacidada tidhaahda, “ Xadiith Daciif ahi  wuxuu ku xoogoobaa markhaatiyo(shawaahid) uu helo.” , xadiithku wuxuu leeyahay markhaatiyo iyo mutaabacaat. Waxaana qaacidaada sheega Aqoonyahanka weyn ee Soomaalida isku raacday halka uu ka gaadhay  cilmigga Xadiithka Sh Shariif Cabdi Nuur; Alle ha caafiyo, cimrigga ha u dheereeyo, khaatumadda ha u wanaajiyo.

Kolka ugu horeysa, Ibnu Xibbaan ayaa weriyay oo ku jirto muyuusiggu; 6719/265/8 waxaa ku jira Hishaam Binu Cammaar. Waxaa dhici karta Hishaam xaalkiisu waa side? Jawaabtaa waxaan ka helay Imaam Addahabi; SIYAR ACLAAM ANNUBALAA 287/14. Waa xaafid lagu kalsoon yahay ayuu leeyahay.

Kolka labaad, Dabaraani wuxuu kitaabkiisa Mucjam Al Kabiir; 3417/319/3.

Kolka saddexaad, isla Dabaraani ayaa ku keenaya wadadda Cabdi Samad Addimishqiyi kadibna Hishaam kitaabka; Musnadu Ashaamiin  588/334/1.

 

LA SOCO QAYBTA LABAAD; XAAB-QAAD

Guuleed Maxamed Yaasiin ( Dalxa )

dalxaauthor@gmail.com

0634839797

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here