Hargeysa (Hubaal) Mujaahid Cali Cismaan (Cali Xaraaro) ayaa ka hadlay xaalada guud ee uu dalku marayo wakhtigan oo uu ku tilmaamay in gebi ahaanba xukuumadan uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Siilaanyo ay go’doon gelisay dalka, mujaahid Cali xaraaro ayaa ku eedeeyay madaxweyne Siilaanyo in uu ku kacay khiyaano qaran oo uu nidaam Faderal ah si hoose ula galay dawladda Soomaaliya.
Mujaahid Cali Xaraaro ayaa hadalkan ka sheegay maruu u waramayay Idaacada Radio Hilaac
Mujaahid Cali xaraaro ayaa sidoo kale ka hadlay xuduudaha xidhan ee dawladaha ay Somaliland la jaarka tahay ee Jabuuti iyo Itoobiya oo masuuliyadeeda dusha ka saaray xukuumadan haatan talada dalka haysa oo uu ku sheegay inay tahay mid aan dalkan sii wadi Karin isla markaana ka dhawaajiyay in dalku halis qarka u saaran yahay haddii uu maamulka Siilaanyo sii taliyo, waxaana uu daaha ka fayday mujaahid cali xaraaro arrimo iyo qorsheyaal uu madaxweyne Siilaanyo dadkii doortay iyo qarankaba ku khiyaameeyay iyo kuwo kale oo uu maaganyahay