Waxa Mar La Arag ah in Hogaanada xisbiyada qaranka ay isugu yimaadaan goobaha xafladaha Meherada ah ka qabsoomaan
Hargeysa (Hubaal) Hogaanka Xisbiyhada Qaranka Oo loolan Adag Oo Xaga Siyaasadii ka dhexeeyo ayaa xafladan iskugu yimid iyo Madasha wadatashiga oo ay ku bahoobeen mujaahidiin kuwaas oo dhaliilo badan Xukuumada U Soo Jeediya , Taas Oo Ka Dhigtay Madal Taariikhiya oo ay yartahay ama aanay dalkaba ka dhicin Xaflad Meher Ah Oo Sidan oo kale u kulmisa Siyaasiyiin Kala Argti Duwan.
Xaflad Meher Oo Khamiis-tii Ka Dhacday Hotel Maansoor Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Waxaa ka soo qayb galay , Madaxda Xisbiyada Qaranka , Madasha Wadatashiga , Xildhibaano , Maayiro Iyo Dadwayne Kale Oo Farabadan.
Waxaa ka Mid Ahaa Siyaasiyiinta Ka Soo Qayb Gashay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi , Gudoomiyaha Wadani Cabdi Raxmaan Ciro , Musharaxa Madaxtinmo Ee UCID Jamaal Cali Xuseen , Waxaa kale oo ka soo qayb galay Madaxda Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo AY Ka mid ahaayeen Maxamed Xaashi Cilmi , Mujaahid Ibraahim Dhagawayne, Maayirka Dagmada Berbera Cabdi Shakuur Ciddin , Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera Badankooda , Xildhibaanada Golaha Wakiilada , Salaadiin
Xildhibaan Iid Saleebaan CALI oo Ka tirsan Xubnaha golaha deegaanka BERBERA Ayaa maanta u geed fadhiistay Marwo Faysa Siciid Cilmi Rooble.
Xafladan Meherkan oo ka qabsoomay Hotel Maansoor Magaalada HARGAYSA , Waxaa hadalo ka jeediyay madaxdii ka soo qayb gashay xafladan meherka taariiikhiga ah .waxaa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse BIIXI Cabdi Waxaana uu hadaladiisa uu ku bilaabay Sidan ,, Meherkan Waan u ducaynaa in ilaah ka dhigo Guri khayr iyo barwaaqo ku dhisan , aan hadal kaftan ah raaciyee waxaan filayaa in hadda wixii ka danbeeya uu xisbiga UCID NAGA Xishoon doono maadaama uu Xildhibaan Ka Tirsan Xibsiga UCID Soo doonay Inan Uu Dhalay Xildhibaan Siciid CILMI Rooble Oo Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada.
Waxaa Kale oo Xafladan Meherka ka hadlay Musharaxa Jagada madaxwaynimo ee xisbiga UCID Mudane Jamaall Cali Xuseen Oo U Duceeeyay Qoyska Cusub, Waxaa kale oo ka hadlay gudoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADANI Mudane Cabdi Raxmaan Ciro , Waxaa Kale oo ka hadlay Maxamed Xaashi Cilmi Iyo Ibraahim Dhagawayne OO Ka Tirsan Madasha WADATASHIGA . Gunaanadkii Xafalada Meherka Waxaa Soo Xidhay Maayirka Dagmada Berbera Cabdi Shakuur Ciddin